Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Feetamuus
Macmacaan

Feetamuus

English
Masoub
Français
Masoub
العربية
معصوب

Waxaa qoray · ·

Cagaaryahan 25 mukawin 12 tallaabo Diyaarin 10 daqiiqoKarin 15 daqiiqoWadar 25 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Feetamuus waxaa aad looga yaqaan Gacanka Carbeed iyo Soomaaliya. Waxaa lagu tiriyaa cuno quwad gelisa jirka waxaana la cunaa subaxdii quraac ahaan ama maalmaha qabowga jiro. Soomaaliya gudaheeda, maqaayadaha way gadaan feetamuuska xilliyada qadada iyo cashada. Siyaabo kala duwan ayaa loo sameeyaa feetamuuska, waddan walibana si gaar ah ayaa looga sameeyaa. Shayga keliya ay wadaagaan waa muuska, hadii uusan ku jirinna saxankaasi looma aqoonsana feetamuus.

Carabta waxay feetamuuska ugu yeeraan macsuub, kaasoo u fasirma wax la shiiday. Nooca ay Soomaalida cunaan, waxaa laga sameeyaa: muus, muufo tinaar, maraq, saliid macsaro. Intaas ayaa la isku cajiimaa oo la isku qasaa waxaana korka laga saaraa bisteeki.

Marka aan diyaarinay feetamuus heersare ah, waxaan ku darnay timir. Waxaan jeclaysannay inaan isku darno laba saxan: feetatimir iyo feetamuus. Gacanka Carbeed feetatimir waxaa looga yaqaan areeka.

Daawo

Fiidiyo aan muusik lahayn

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Soo’da 1aad: Feetamuus Farsameysan

Qurxin

Muus karameel leh

Soo’da 2aad: Feetamuus Caadi Ah

Qurxin

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Soo’da 1aad: Feetamuus Farsameysan

  2. Diyaarinta feetamuuska farsameysan
  3. Timirta lafaha ka bixi. Muuska iyo timirta isku shiid.

  4. Muufada burburi.

  5. Bir dab dhexdhexaad saaran, ku shub ¼ koob buuro ama subag. Muuska iyo timirta shiidan ku shub, kaddibna shiil muddo 5 daqiiqo. Ku dar caanaha la gursiiyey. Kari muddo 1 daqiiqo.

  6. Ku dar muufada la burburiyay. Walaaq oo kari muddo 5 daqiiqo.

  7. Ku dar qishtada iyo sabiibka, kaddibna walaaq. Kari muddo 2 daqiiqo. Haylka ku dar, kaddibna walaaq. Feetamuuska qaddin isaga oo kulul.

  8. Ku qaddin, qishto, muus karameel leh, laws, timir, iyo malab.

  9. Muus karameel leh

  10. Muufo Soomaali
  11. Sabaayad ayaa ku beddeli kartaan muufada
  12. Muufada burburi
  13. Muufo la burburiyay
  14. Muus bisil
  15. Timir jilicsan
  16. Timirta oo lafaha laga bixiyay
  17. Timirta iyo muuska isku shiid
  18. Timirta iyo muuska oo la isku shiiday
  19. 1- Caano la gursiiyay 2- Qishto 3- Farmaajo sheedar
  20. Waa u diyaar in la qaddimo
  21. Waa u diyaar in la qurxiyo kaddibna la qaddimo
  22. Diyaarinta muuska karameelka leh
  23. 1 qaaddo weyn buuro ku shub bir dab dhexdhexaad saaran, kaddibna ku dar 1 QW sokor madoow. Kari muddo 1 daqiiqo.

  24. Ku dar hal muus la jarjaray. Kari muddo nus daqiiqo.

  25. Dhinaca kale u geddi, kaddibna nus daqiiqo kale kari.

  26. Soo’da 2aad: Feetamuus Caadi Ah

  27. Muus karameel leh
  28. Feetamuus Farsamaysan
  29. Feetamuus Farsamaysan
  30. Diyaarinta macsuubka caadiga ah
  31. Muuska si fiican u burburi.

  32. Muufada burburi, kaddibna muuska ku dar, Si fiican walaaq.

  33. Haylka ku dar. Walaaq, kaddibna qaddin.

Sawirro

Faallooyin

7 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. James | The Nude-Food Hero

    I can’t wait to try this recipe! I ordered Feetamuus last night in a Yemeni restaurant in Doha – without having any idea what it was. It was so delicious I immediately starting googling recipes and this is the first one I found! So looking forward to it!

  2. ayan

    mash allah thank you so much walaasheey

    1. A&LXawaash

      You are most welcome.

  3. Ayaan Abdullahi Ali

    masha,alah walalayal aad ayd u mahadsantihiin, i always like your creativity its amazing

    1. A&LXawaash

      Adigaa mahadda mudan walaal. Waan ku faraxnay inaad jeclaatay.

  4. Deeqa

    Asc mansha allal ilaah gacmihiina ha barakeey aad iyo aad ayad umahadsantihinn waxan idinka codsanayaa caruuraha school lada aado cunooyinkooda ayan ku warernay ee wax fudud oon usameyn karno sheega jisaakalaah

Xalwo Muus

Banana Halwa

CagaaryahanMacmacaan
ENSOFRع
Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Baqlaawe

Baklava

Macmacaan
ENSOFRع