Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Baqlaawe
Macmacaan

Baqlaawe

English
Baklava
Français
weli lama turjumin
العربية
بقلاوة

Waxaa qoray · ·

16 mukawin 15 tallaabo Diyaarin 30 daqiiqoKarin 1 saac 35 daqiiqoWadar 4 saac ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Fiidiyo aan muusik lahayn

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Baqlaawe

Sirab

Xashwo Laws

Buuro La Gaduudiyay

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Sirab

  2. Diyaarinta sirabka
  3. Isku dar sokorta, biyaha iyo liin dhanaanta.

  4. Dab dhexdhexaad ku kari muddo 10 daqiiqo.

  5. Ku dar maa’alwardiga, kaddibna walaaq.

  6. Xashwo Laws

  7. Diyaarinta xashwada lawska
  8. Saxanka foornada ku shub lawska, isku qas, kaddibna saxanka ku fidi.

  9. Ku dub foorno lasii kululeeyey 350°F/177°C muddo 10 daqiiqo. Dhig ilaa ay ka qaboobaan.

  10. Lawska shiid, kaddibna ku dar sokorta shiidan, haylka, qorfaha iyo cusbada. Si fiican u qas.

  11. Buuro La Gaduudiyay

  12. Diyaarinta buurada la gaduudiyay
  13. Bir dab dhexdhexaad saaran buurada ku rid.

  14. Gaduudi muddo 5-6 daqiiqo.

  15. Dabka ka demi markay xumbada degto. Xanshada ha gubin.

  16. Diyaarinta baqlaawaha
  17. Bir 9½ inji (24 cm) mari buurada la gaduudiyay.

  18. Cajiinka hal xabo birta saar, buuradana mari. Ku celi ilaa aad ka saartid 5 xabo, mid walbana buuro mari.

  19. Ku shub ½ koob lawska, kaddibna 5 xaboo bur saar. Bur walbo subag mari. Ku celi ilaa aad ka samaysid 5 fiilo —> laws —> 5 fiilo —> laws —> 5 fiilo —> laws —> 5 fiilo.

  20. Gabalo yaryar u jarjar.

  21. 3 QW buurada la gaduudiyey korka uga shub.

  22. Ku dub foorno la sii kululeeyey 300°F/149°C muddo hal saac iyo 15 daqiiqo. Syrabka ku shub, dhig ha qaboobo inta aadan qaddimin.

Sawirro

Faallooyin

17 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Mohamed Ahmed Jama

    السلام عليكم

    Runtii waxaa isoo jiitay farsamada iyo xirfada aad ku xeeldheer tihiin ee samaynta cuntada. Waxaan dareemayaa inay arrintan suurtageli lahayn haddii aysan jirin wada-shaqayn dhexdiina ah. Waa tusaale fiican oo ka tarjumaya lamaane team ah.

    Guulaysta.

  2. Hit the path

    If every Somalian was as lovely as you and cooked as well as you, there would never be any conflict or turmoil there. Thank you for being a great ambassador for your people, nation and culinary history. Much respect.

  3. Muna

    Amazing, I am so glad I found this website. Thank you.

  4. Shanu Iqbal

    MashaAllah I came across ur blog few days back n the first recipe I tried was filo n baklava. On seeing the results u don’t know how much dua came out from my heart for both of u, the result was Amazing. U take so much effort n help us, May Allah bless u both with all gudness in life Aameen.

Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Xalwo Fudud

Easy Halwa

CagaaryahanMacmacaan
ENSOFRع
Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Doolsho Cananaas

Pineapple Upside-Down Cake

CagaaryahanDoolsho
ENSOFRع