Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Kunaafa Naabulsiya
Macmacaan

Kunaafa Naabulsiya

English
Cheese Kunafa
Français
Kunafa au Fromage
العربية
كنافة نابلسية

Waxaa qoray · ·

Cagaaryahan 12 mukawin 9 tallaabo Diyaarin 30 daqiiqoKarin 55 daqiiqoWadar 7 saac 15 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Kunaafa Naabulsiya

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Shaciiriyada kunaafada (Qatayfi)
  2. Diyaarinta kunaafada
  3. Hadday farmaajada cusbo leedahay, u jar gabalo 1″ (2.5 cm) kaddibna biyo qaboow la dhig muddo 6 saacadood ama ilaa iyo hal habeen, qaboojiyahana geli. Biyaha laba goor ka beddel. Marka aad biyaha la dhigtid kaddib, biyo qaboow raaci, si fiicanna u qallaji adigoo isticmaalaysa xaanshida jikada. Farmaajada burburi kaddibna ku dar farmaajo kotej ama rikoota.

  4. Adigoo isticmaalaysa dab dhexdhexaad ah, kari sokorta, biyaha iyo liin dhanaanta la miiray muddo 10 daqiiqo. Dabka ka demi kaddibna ku dar maa’alward. Dhig sirabka ilaa uu si fiican u qaboobo.

  5. Bir wareeggeeda yahay 10 in. (25 cm), dhererkeedana yahay 2 in. (5 cm) mari 1 qaaddo weyn (QW) buuro la dhalaaliyey iyo ½ qaaddo yar (qy) midab kunaafo (ama midab oranjo). Si fiican u mari, dhinacyadana gaarsii.

  6. Shaciiriyada kunaafada 4 gabal u jar. Caanaha iyo buurada qandaca ah ku dar. Isku qas, cajiinkana fur fur ka dhig.

  7. Shaciiriyada marka saddex meel loo qeybiyo, laba meel birta ku shub. Birta ku fidi, dhinacyadana ku dheji. Si fiican hoos u riix adigoo isticmaalaysa calaacashaaada ama qaaddo ballaaran.

  8. Farmaajada oo dhan ku shub. Ku fidi, si fiicanna hoos u riix.

  9. Shaciiriyada hartay ku shub. Si fiican u riix oo sin.

  10. Ku dub foorno la sii kululeeyey 350°F/177°C muddo 40 daqiiqo. Dhig ha qaboowdo muddo 10 daqiiqo, kaddibna ku geddi saxan ka weyn birta aad ku dubtay.

  11. Fustuqa ku qurxi. Sirabka kunaafada oo dhan ayaa ku kor shubi kartaa ama qof walba ayaa goonidiisa ugu darsan kara.

Sawirro

Faallooyin

22 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Blessy

    Hi I love kunafa I stay in scarbarough .can you pls tell me where I can get katafi dough?and where to get the unsalty akawi cheese.tanx

  2. Kawther

    Thank you for the recipe. This is the first time I have

    Seen milk as an ingredient in the dough

    Prep. Is this simply to rehydrate the kataifi?

  3. Alma Carandang

    Hello! I am so happy to found your website as I was looking for a much easier recipe for this cheese pastry. I tried it last night, followed the recipe precisely. It came out very well. This is my first time to handle a shredded phyllo dough. I would like to ask if this is meant to be served hot or warm like serve just a few minutes after taking out of the oven? My husband is from Syria and I imagine he got the best kunafah growing up, so of course what I did what not so much as he expected. Also, is it supposed to be so brown, like the top dough is almost burned? We couldn’t finish all of it in one eating, do you think the leftover part is not as good as the fresh one? Of course it’s still good to eat, I just want to hear your opinion. And is it supposed to be crunchy?

    We live in Seattle Washington and it took me a few months to actually fine the shredded phyllo dough so I was so excited when I found it. Anyway, thank you very much!

  4. jenni

    I am currently doing this recipe as I type. So far so good! cant wait to try it!my question is how to I properly store whats left over?

  5. Sahista

    Hi salam ramadan kareem dear friend

    I love kanafa have tried to make it but always flop because of akawi cheese saltiness i soak it over night after that rinse that cheese may be 6 to 7 times still i feel salty how shall i reduce saltiness in my akawi cheese. Please help thank you for your kind help and support.

Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Baqlaawe

Baklava

Macmacaan
ENSOFRع

Feetamuus

Masoub

CagaaryahanMacmacaan
ENSOFRع