
Toorte Basbuusa
- English
- Semolina Layer Cake
- Français
- Gâteau de Semoule à Étages
- العربية
- تورتة البسبوسة بالقشطة
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Toorte Basbuusa
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Diyaarinta doolshaha Baaquli ku shub semoliinada, burka, qumbaha, beekin baawdarka, beekin soodada iyo cusbada, kaddina si fiican u walaaq.
Ukunta iyo sokorta garaac muddo 5 daqiiqadood.
Mukawinaadka qalalan iyo ukunta si tartiib ah iskugu dar. Halkii mar ⅓ ku dar.
Isku dar buurada, caanaha iyo faniillada, kaddinta cajiinka ku kor shub. Si tartiib ah u walaaq.
Cajiinka ku shub bir cabbirkeeda yahay 8 inji (20 sentimitir) oo buuro la mariyey. Ku dub foorno la sii kululeeyey 380°F/193°C muddo 20 daqiiqo.
Markuu doolshaha si fiican u qaboobo, waxaa dhexda uga sartaa middi miinshaar ah, kaddibna middi dheer ku jar meesha aad calaameysay. Nuska hoose birta ku celi kaddibna ⅓ koob sirab ku qoy.
Qishtada karsan ku kor shub, kaddibna sin.
Gabalka labaad ku dabool kaddibna ½ koob sirabka ku kor shub.
Qaboojiyaha geli muddo 2 saacadood, kaddibna laws iyo qumbe korka ku qurxi.





Faallooyin
25 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
I’ll try this today. omg it looks so good tho
i can’t find the cream recipy for the semolina layer cake can you please send me the recipe
asc leyla waku salamay dolshaha aad ayu u ficanyahy lkn mid ayan ku weydina semolina iyo fanila iyo maa’wardi 3 shey ma fahmin isheg adigo mahadsan
السلام عليكم
بالنسبة للقشطة هل يجب تحضيرها بنفس وقت خبز البسبوسة؟؟ او يجوز استخدام القشطة المسبقة التحضير قبل يوم محفوظة بالثلاجة خصوصا اذا كانت متماسكة فكيف تفرد على البسبوسة ؟؟؟
aad baad umahadsantihiin