
Doolsho Cananaas
- English
- Pineapple Upside-Down Cake
- Français
- Tarte tatin à l’ananas
- العربية
- كيك الأناناس المقلوب
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Doolsho Cananaas
Korkasaar Karameel (Habka Koowaad)
Korkasaar Karameel (Habka Labaad)
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Cananaas iyo jilyeejo (marachino) Jilyeejo (marachino) Sokor madoow Diyaarinta doolshaha Sokorta iyo buurada isku garaac muddo 5 daqiiqo.
Ukunta aan qaboobayn hal hal ugu dar. Si fiican u garaac mid walba intaadan tan kale ku darin.
Ku dar cusbada, beekin baawdarka, faniillada, bishirka liinta iyo liin dhanaanta la miiray. Si fiicanu qas.
Ku dar burka iyo caanaha.
Si fiican u qas.
Waxaa isticmaashaa bir wareeggeeda yahay 10 in. (25 cm), dhererkeedana yahay 2 in. (5 cm). Habka koowaad haddaad isticmaalaysid, birta 2 qaaddo buuro mari, kuna shub 3/4 koob sokor madoow. Sokorta markaad cabbireysid, koobka faraha hoos ugu riix.
Habka labaad haddaad isticmaalaysid, isku dhalaali 1 koob sokor madoow iyo 1/3 koob buuro. Birta waxaa marisaa buuro waxaana wada gaarsiisaa sokorta aad dhalaalisay.
Cananaaska iyo jilyeejada ku saf.
Cajiinka ku shub. Foorno la sii kululeeyey ku dub 350°F/177°C muddo 45 ilaa 50 daqiiqo. Markaad dubtid, qabooji muddo 5 daqiiqo, kaddibna doolshaha ku geddi saxan birta doolshaha ka weyn.





Faallooyin
51 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
walaal aad baad u mahadsan tihiin sida fiican e aad cuntada u samaynaysaan qeer illaahay haydin siiyee meeshaad buurada ka isticmaalaysaan subugii somalia malaga dhigan karaa
Adigaa mahadda mudan walaal. Buurada subag waa ku beddeli kartaa.
walaal illahy ha dinka abaal mariyo wax wanagsana illahy wajigiina ha idinka tuso walaal hadaan doonayo inaan dubo doolshe ka weyn oo lamid ah ma laban laabayaa wax kasta
Waa sida aad sheegtay, wax walbo laba jibaar ka dhig. Waa ku mahadsan tahay ducada fiican.
asc.thank you so much. i went ahead and did just that. it came out perfect my first time making it. my family loved it and finished fast more than any other cake. God bless you all for all the hard work you put into your site. mashallah
asc. i want try this now, will 2% milk work . is all i have and also baked on lasagna pan.
thanks
Yes, you can use 2% milk, and you can bake it in a lasagna pan.
Ilaah ayaa mahad leh marka hore, mar labaad waxaan aad idiinku mahad naqayaa dhalinta xawaash.com sida wanaagsan ee aad umada somaliyeed growth up qabataan markale mahad sanidiin
Aigaa mahadda mudan walaasheenna qaaliga ah. Waan ku faraxnay faalladaada. Mahadsanid!