Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
2 Doolsho Soomaali
Doolsho · Macmacaan

2 Doolsho Soomaali

English
2 Sponge Cakes
Français
2 Génoises
العربية
٢ كيك إسفنجي

Waxaa qoray · ·

Cagaaryahan 15 mukawin 18 tallaabo Diyaarin 25 daqiiqoKarin 35 daqiiqoWadar 1 saac 30 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Strooberi (Faraawlo)

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Isku dar burka, waraangada, iyo cusbada. Laba goor shaqshaq.

  2. Isku dar buurada la dhalaaliyay, faniillada, iyo qolofta liinta oo la xoqay. Isku qas.

  3. Baaquliga makiinadda waxaad dhex dhigtaa baaquli ka weyn oo ay ku jiraan biyaha tuubbada oo kulul.

  4. Ukunta baaquliga ku rid muddo 10 daqiiqo. Hadba walaaq si aysan ukunta u karsamin.

  5. Baaquliga kululaaday makiinadda ku xir, sokortana ku shub.

  6. Surcad sare ku garaac muddo 5 ilaa 7 daqiiqo. Ukunta ha garaacin 5 daqiiqo ka yar.

  7. Markaad ukunta garaacdid kaddib, surcadda makiinadda aad u yareey. Burka tartiib ugu dar, aadna ha u dheeraynin waqtiga aad ku daraysid burka.

  8. Buuradii aad qastay ku dar, wax badanna ha qasin.

  9. Ku shub bir doolsho 9½” (24 cm) oo buuro iyo bur marsan. Waxaa ku dubtaa foorno la sii kululeeyay 350°F/177°C muddo 35 daqiiqo.

  10. Kala saar shaharka iyo xabka ukunta.

  11. Baaquliga aad rabtid inaad isticmaashid, waxaad dhex dhigtaa baaquli ka weyn oo ay ku jiraan biyaha tuubbada oo kulul.

  12. Xabka ukunta baaquliga ku-shub, kaddibna garaac adigoo sokorta kiskis ugu daraysid.

  13. Xabka iyo sokorta isku garaac ilaa ay xumbo cad ka noqdaan (8 ilaa 10 daqiiqo).

  14. Shaharka ukunta ku dar.

  15. Hal daqiiqo garaac.

  16. Burka aad isku shaqshaqday tartiib ugu dar. Haddii aad xoog u walaaqdid, ukunta hawada ayaa ka baxaysa. Doolshaha waxaa kiciya hawada ukunta gashay marka aad loo garaacay (qamiir looma baahna).

  17. Buurada ku dar, wax badanna ha qasin.

  18. Ku shub bir doolsho 9½” (24 cm) oo buuro iyo bur marsan. Waxaa ku dubtaa foorno la sii kululeeyay 350°F/177°C muddo 35 daqiiqo.

Sawirro

Faallooyin

100 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. أم عبدالله

    شكرًا جزيلا على الوصفة الرائعة..في الكعكة الثانية رائحة البيض ظاهرة ما الحل؟..

    1. A&LXawaash

      هل اضفتي الهيل المطحون؟

    2. أم عبدالله

      U jawaabaya A&L

      نعم حسب الوصفة…سأعاود المحاولة إن شاء الله .. شكرًا

  2. sumaya

    Aslam calaykum walaal waan idiin salaamay marka hore marka xiga sponge cake marwalbo waaan jeclahy in aan sameeyo marka waan isku dayey in aan sameeyo waxaana raacay recipe 1 exactly sida aad u sameeseen laakiin cake ga markaan ka saaray oven ka oo uu qaboobay oon pan ka saaray waxaan arkay in uu dhexda especially salkiisa uu dhagax noqday walaal maxay kula tahay oo sababi kara midaa please iga caawiya midaa JAZAAKA ALLAH QAYR AND EID MUBARAK

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Ciid Wanaagsan walaal. Foornada mar walba shelfka dhexe ku dub. Hoos iyo kor midna lama rabo. Kulaylka foornada iyo waqtiga dubidda waa inay sax noqdaan. Haddii fooranada lagu daahiyo wuu adkaanaayaa.

  3. Zaki

    Asc walaalo ramadaan kariim waxaan rabaa anigu ma garanaayo sida loo sameeyo doolshaha lkn waxaan rabaa inaad iga caawiso oo aad ii sheegto doolsho ka fudud

  4. jawahir

    Asalam camalaykum walaal waan ku salaamy. This is a great cake but my first try didn’t turn out the way I wanned I divided everything in half because I wanted small cake and I baked it for 25mnt in 350f but the cake became dry and crumbly I need your help because I want to try it again is it the baking time and if it’s how long should I bake it for. Thanks Ramadan kareem

    1. A&LXawaash

      Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.

      Ramadan Kareem, Jawahir.

      It looks like the cake was over baked. The baking time also has to be adjusted based on the size of the pan you used for baking.

  5. Najma

    I did everything but it is not coming right but after work today I will try it again and I hope that it will come out right. I always love our food and proud of it, but sometimes it does not work for me. but thank you so much for everything you are doing.

    1. A&LXawaash

      With baking, the measurements have to be accurate. We hope it will work out for you this time.

Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Doolsho Cananaas

Pineapple Upside-Down Cake

CagaaryahanDoolsho
ENSOFRع
Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Xalwo Fudud

Easy Halwa

CagaaryahanMacmacaan
ENSOFRع
Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Baqlaawe

Baklava

Macmacaan
ENSOFRع