
Xalwo Fudud
- English
- Easy Halwa
- Français
- Halwa Facile
- العربية
- حلوى صومالية سهلة
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Xalwo Fudud
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Hayl Jows Diyaarinta buurada carafta leh Buurada gaduudi oo caaneeyada ha ka baxdo adigoo isticmaalaysa dab dhexdhexaad ah.
Waxaa gaduudisaa muddo 2½ daqiiqo.
Dabka ka qaad, kaddibna haylka iyo jowska ku dar.
Diyaarinta xalwada Waraangada (nashadda), midabka, iyo biyaha (halka koob) isku qas.
Digsi 8 litir qaada, iskugu dar sokorta, biyaha iyo liin dhanaanta. Dab dhexdhex-sare ku kari.
Waraangada wax yar walaaq, hal marna ku dar adigoo walaaqeysa. Xalwadda waxay qaadanysaa 45 daqiiqo oo hadda laga billaabo.
Dabool si uusan fanfaniinka ama badbadka kuu gubin, kuna rafaadsan. Kari muddo 5 daqiiqo.
Saliidda hal mar ku wada shub, si fiicanna u walaaq. Dabool oo 5 daqiiqo kale kari. Kaddib, dabool la’aan kari adigoo 5 daqiiqo walba walaaqeysa.
Markay 30 daqiiqo ka soo wareegto goorta aad waraangada (nashadda) biyo ku dartay, waxaa ku dartaa heylka iyo jowska.
Si fiican u walaaq. Si joogto ah u walaaq 15-ka daqiiqo oo kariska ka haray.
Ka saar saliida saa’idka oo dul sabbeynaysa. Buurada la gaduudiyay ku dar.
Looska ku dar, haddaad doontid. Si fiican u walaaq, dabkana ka demi. Waqtiga kariska waa 45 daqiiqo ama ilaa kulaylka xalwadda uu ka gaaro 230°F/110°C. Haddaadan heysan termoomitir, xalwadda biyo qaboow ku tijaabi. Xooga yar qaaddo ku soo qaado waxaana ku dhex riddaa biyo qaboow. Xalwadda waa inaysan dhegdheg noqon.





Faallooyin
61 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Thanks to this website.
I learned how to make halwa thanks once again
Asc walaalay aad baad umahadsantihiin dadaalkiina waxaan idin weydiinayaa hadii aan rabo qiyaastii 3kiilo canal dabka waa meeqa saac
Asaĺlamu calaykum walal waxan raba inan tomorrow sameyo xalwadan insha allaha waxan idin wayidin laha waamaxay jawas iyo mesha laga helo? Thanks
Manshalla,first of all thanks putting all the effort on this recipes on your website. But if you want to cook 20kg of halwa what will be the quantity of each items. Looking forward to hear from you soon.
Best Regards, from Columbus Ohio.
Sophia Jama.
Waad salaamantihiin walaalayaal,
Aad iyo aad ayaan idinku mahdinaa,inaad natusteen cuntada soomaliya oo aad aan ugu xiisay.
Waa websitka aan ugu jeclahay oo aan ka helayo cuntada somaliya.
Mahadsenediin.
Siam