Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Doolshe Cambaruud
Doolsho · Macmacaan

Doolshe Cambaruud

English
Pear Cake
Français
Gâteau à la Poire
العربية
كيك الكمثرى

Waxaa qoray · ·

Cagaaryahan 13 mukawin 6 tallaabo Diyaarin 15 daqiiqoKarin 35 daqiiqoWadar 55 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Fiidiyo aan muusik lahayn

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Doolshe Cambaruud

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Diyaarinta doolshaha cambaruudka
  2. Cambaruudka laba gabal u jar. Lafaha ka bixi kaddibna gabalo yaryar u jar.

  3. Isku dar burka, sokorta, cusbada iyo beekin baawdarka.

  4. Ku dar buurada, ukunta la qasay, faniillada, iyo carafta looska “aalmond” iyo caanaha.

  5. Si fiican isku qas, kaddibna bir saliid ama buuro lamiriyey ku shub.

  6. Malmalaaddada kor ka mari. Cambaruudka ku saf kaddibna looska iyo sokorta shiidan ku kor shub.

  7. Ku dub foorno lasii kululeeyey 380°F/193°C muddo 35 daqiiqo. Intaadan qadimin sokorta shiidan markale ku kor shub.

Sawirro

Faallooyin

20 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Abdullahi Hassan

    Asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatu walaalaheeyga qaaliga ahoow waxaan jeclaan inaad iiga soo jawaabtaan pear cake, cabirka birta aad ku dubteen ma 9 inch baa. Su’aasheyda labaad manoo soo gelin kartaan pear jamka receipigiisa, su’aasheyda sedexaad waxaan aad uga helay receipga sticky toffy pudding kiina hadii aan rabo inaan sameeyo sponge pudding qeybta timirta maxaan ku bedelaa si aan u helo receipe sax ah. Jazaakalaah kheyr abaalkiina dunida farxad iyo caafimaad allah ka dhigo aakhirana fardowsul aclaa. Aamiin

  2. Abdullahi Hassan

    Waxaan ula jeeda sideen u qiyaasa.

  3. Abdullahi Hassan

    Asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatu walaalaheyga quruxda badanoow mar hore waad mahadsan tihiin allah idinka abaal mariyo cilmigiina oo aad nooga faa’iideysiin marka xiga waxaan jeclaan lahaa inaad iiga soo jawaabtaan pearl cakega cabirka cake panka aad isticmaasheen videoga kuma Sheegin. Tankale pinneapple cakega hadii aan rabo inaan dubto 8 inch, 9inch ama kabadan sideen ingredientiga u qiyaasaa. Jazaaka laah kheyran

    .

  4. Amina Milgo

    Salaamu Allaykum and Ramadam Kariim.

    Ayaan dhowayd ayaan websiteka Xawaash ogaaday. Somalinimada ayaa wax fiican ku soo kordhiseen. Dhinacyadii wanaagsanaa ayaad adduunka ka tusteen. Sida kalena cunooyin fiicfiican ayaa dadka barteen. Thank you and keep up this noble and good work. Maalin walba dish ayan tijaabiyaa, Alxamdu Lillaah, waanay ii fiicnaadaan.

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wararakaatuh.

      Mahadsanid walaasheenna qaaliga ah. Waan ku faraxnay inaad Xawaash ku soo biirtay. Ramadaan Kariim.

Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Doolsho Cananaas

Pineapple Upside-Down Cake

CagaaryahanDoolsho
ENSOFRع

Bur Shuu

Choux Pastry

CagaaryahanMacmacaan
ENSOFRع