Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Bur Shuu
Macmacaan

Bur Shuu

English
Choux Pastry
Français
Pâte à Choux
العربية
عجينة الشو

Waxaa qoray · ·

Cagaaryahan 7 mukawin 13 tallaabo Diyaarin 35 daqiiqoKarin 50 daqiiqoWadar 1 saac 50 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Fiidiyo aan muusik lahayn

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Bur Shuu

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Diyaarinta burka shuu
  2. Caanaha, sokorta, cusbada, iyo buurada dab dhexdhexaad ah saar ilaa ay ka karaan. Dabka ka qaad.

  3. Burka hal mar ku wada dar, si fiicanna u walaaq.

  4. Dabka ku celi. Ku kari dab dhexdhexaad ah muddo laba daqiiqo ilaa uu cajiinka ka qalalo.

  5. Cajiinka dhig ha qaboobo muddo 10 daqiiqo. Ukunta hal hal ugu dar (ukunta garaac haddaad rabtid).

  6. Ukunta si fiican ugu qas.

  7. Laba qaaddo isticmaal inaad warwareeg ka dhigtid, ama bacda qurxinta isticmaal inaad noocyo qurux ka dhigtid.

  8. Ukun la garaacay korka ka mari, si ay u gaduutaan una sii qurxoonaadaan.

  9. Sokor shiidan ku shub kuwa naqshadda leh. Buraashka naqshadda ayuu baabi’inaayaa.

  10. Ku dub foorno la sii kululeeyey 370°F/188°C muddo 40 daqiiqo. Foornada ha furin muddada aad dubeysid, haddii kale hawada ayaa ka baxeysa weyna isku dhici doonaan.

  11. Cajiinka inta aan ukunta lagu darin
  12. Afar ukun isticmaal
  13. Cajiinka
  14. Waa u diyaar in la dubo
  15. Bur Shuu
  16. Bur Shuu
  17. Bur Shuu
  18. Bur Shuu
  19. Ekleer kareemo iyo shukulaato leh
  20. Ekleerka kareemo ku buuxi

  21. Dusha ganaash shukulaato ku rid.

  22. Kakaaw dhinac ku shaqshaq

  23. Sokor shiidan dhinaca kale ku shaqshaq

Sawirro

Faallooyin

30 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Zeyna

    Mashallah! C’est génial ! I never new that you can make it savory. And the swans are killers !

    1. A&LXawaash

      Thank you for stopping by and leaving a comment.

  2. Jasmin

    Salam o 3alekom

    I was just wondering is it pastery cream in the swan choux pastery?

    Would love to get an answer, love ur page btw keep up the good work

    MashAllah 3alekom

    1. A&LXawaash

      Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.

      We used whipping cream for the swans. Thank you so much for your kind comment.

  3. bureeqa

    Thank you very much brother,sister you guys make me a good

    cook,mashallah,I will try this recipe so thanks.

    1. A&LXawaash

      We are happy we could help. Let us know how you like it.

    1. A&LXawaash

      Waa ku mahadsan tahay salaanta wacan. Hadduu Eebbe idmo waan soo gelin doonnaa sida korosaanka loo sameeyo.

  4. Hibaq

    mashallah, maxaa ka qurux badan cunadaan inee macaantahayna shaki kuma jiro maxaa yeelay somaalida horey waxe utiri “waxii aragooda kudeeqa ayaa uuntoodana ku deeqdaa” ajar iyo xasanaad rabi ha idiin siiyo aduunkana qeer u dhami aqirana janadii fardowsa ayaa rabi idinka baryay.

    1. A&LXawaash

      Aamiin walaal. Aad iyo ayaad ayaan ugu riyaaqnay faalladaada iyo ducadaada. Mahadsanid walaal.

Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Doolsho Cananaas

Pineapple Upside-Down Cake

CagaaryahanDoolsho
ENSOFRع