Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Kabaab Toonno
Halaqjafle

Kabaab Toonno

English
Tuna Patties
Français
Croquettes de Thon
العربية
كفتة التونة

Waxaa qoray · ·

Caafimaadka u roon 14 mukawin 6 tallaabo Diyaarin 25 daqiiqoKarin 40 daqiiqoWadar 1 saac 5 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Soomaaliya waxaan kasoo tagay anigoo jira 18 sano. Walaalkay iga weyn iyo aniga waxay dantu nagu qasabtay inaan si dhuumaalysi ah uga soo baxno dalka, maxaa yeelay xilligaas lama oggoleyn dadka da’doodu ka yar tahay 40 sano inay dalka ka safraan. Baasaboorka ama dalkugalka lama siin jirin dadka da’doodu tahay 39 sano iyo wixii yar. Sidoo kale waxaa adkayd sida lagu helo lacagta adag. Waxaan soo qaadanay wixii lacag adag ah oo ehelkeena ay kasoo heleen suuqa madoow. Waxaa na sugaayay safar adag oo aad u dheer laakiin xamaasad iyo farxad ayaa naga muuqatay. Safarkeenna halka uu ku wajahnaa waxay ahayd dalka Sacuudiga waxaana rajeynaynay inaan helno deeq waxbarasho ilaa heer jaamacadeed.

Waan xasuustaa dardaarankii ugu dambeeyay ee hooyaday na siisay: wanaagsanaada, dadaala oo shaqaysta, labadiinana iskana warqaba. Waxay hadalkeedi sii raacisay, “Mallaay gasaceysan iyo rooti raqiis ayay ka yihiin dalka Sacuudiga. Sidaas ayaa lacagtiina ku dhaqaalaysan kartaan.” Dhoor gasac toono kaddib, waxaan helnay deeqdii waxbarasho. Toonada waa baahi tirto. Dhab ahaantii waan jeclahay toonada.

Sanado kaddib, qalin jabinteydi in yar ka gadaal waxaa la iga goostay lacagtii jeeb gashiga ahayd ee la isiin jiray waxaana noqday qof jeeb maran. Dardaarankii toonada ayuu Ilaahay mar kale igu badbaadiyay. Dhowr bilood kaddib waxaan helay shaqo injineernimo (architect). Toonada ayaan markale kusoo mooday. Aniga aad ayaan uga helaa toonada.

Ma qiyaasi kartaan jaceylka aan u qabo toonada ilaa aad ka aragtaan maqaasiinkeenna raashinka. Waxaa aad uga buuxa iskafaalayaasha noocyada kala duwan ee toonada gasaceysan: mid leh saliidda oliifada, mid saliid caddeey leh, iyo mid maraq leh intaba.

Daawo

Fiidiyo aan muusik lahayn

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Kabaab Toonno

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Diyaarinta kabaabka toonnada
  2. Isku dar, bataatada shiidan, toonnada (la burburiyey), budada rootiga, baqduuniska, basasha cagaaran, tuunta, babriikada, cusbada, filfisha madoow iyo ukunta (la garaacay).

  3. Si fiican u qas, kaddibna 10 qaybood u qaybi.

  4. Halkii qayb gacanta ku ballaari, kaddibna farmaajada dhexda ka geli haddaad isticmaalaysid.

  5. Wareeg ka dhig, kaddibna wax yar balaari.

  6. Dab dhexdhexaad adigoo isticmaalaysa, labada dhinac ku shiil saliidda oliifada ilaa ay ka gaduutaan.

  7. Samaynta sooska: isku shiid mayoneeyska, liin dhanaanta, baqduuniska iyo mukhalalka qudaarta.

Sawirro

Faallooyin

23 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. qamar

    aad baad umahadsan tihiin wllo cunto wcn lkn qudaarta waxan heli kareyn ba ku jirte badal maxaan uga dhigan ama hadan heyn ma kamaarmi kara cuntadaas sida Babriika da iyo Farmaajo sheedar hadan heyn booskoda maxan ku badalankraa

  2. W. Ahmed

    Assalaamu alaikum,

    Thank you so much for this recipe – jazaakum’Allahu khairan.

    Can I make this in the oven, instead of frying? And if so, would you be able to provide me with the oven temperature and for how long to cook them? Jazaakum’Allahu khairan; I have tried so many of your recipes (and have been pleased), so you have really helped expand my culinary repertoire. Thank you

    1. A&LXawaash

      Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.

      Thank you very much for your kind comments. We are happy we could help.

      Yes, you can bake them. Preheat the oven at 400°F for 20 minutes. Heat the baking tray in the oven until hot. Drizzle the patties with some oil and bake them for 10 minutes on each side.

  3. ilhan

    Our first recipe from your collection and boy was it delicious!!!! Cannot wait to try more of your recipes 🙂

    1. A&LXawaash

      We are delighted to know that, and we hope you will try more recipes. Thank you!

  4. Fardausa

    السلام عليكم ورحمة الله وبركاته abayo wan kusalamay jazakALLAH Khery for the sharing abayo my son has egg allergy what can I use instead of egg inshallah thanks again

    1. A&LXawaash

      Thank you. You can omit the egg, but use only 1/4 cup breadcrumbs so they don’t become dry.

    1. A&LXawaash

      Watch until the end of the video. The secret is hidden there. 🙂

Baabaqanuuj

Baba Ghanoush

Fiigan (xoolo la’aan)Halaqjafle
ENSOFRع

Keesadiya

Quesadillas

CagaaryahanHalaqjafle
ENSOFRع