
Baabaqanuuj
- English
- Baba Ghanoush
- Français
- Baba Ghanoush
- العربية
- بابا غنوج
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Baabaqanuuj
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Mukawinaadka qaarkood Diyaarinta baabaqanuujka Bitingaanka kala gooy. Ku bilbil 2 qaaddo yar saliidda oliifada, rubac qaaddo yar cusbo iyo rubac qaaddo yar filfil madoow shiidan. Ku dub foorno la sii kululeeyey oo kulaylkeeda yahay 450°F/232°C. Dub muddo 45 daqiiqo.
Haddaad rabtid dhadhan qaac leh dabka korkiis ku dub muddo 15 daqiiqo ama ilaa uu bitingaanka ka jilco. Haddaad rabtid dhadhan qaac aan badneyn, 6 daqiiqo dabka ku dub kaddibna foornada geli ilaa uu ka bislaado oo uu ka jilco.
Bitingaanka dabka lagu dubay si fiican ugu duub xaanshi alamuunyam. Taas waxay kuu fududaynaysaa inaad qolofta ka fiiqdid.
Bitingaanka qolofta ka fiiq, kaddibna burburi.
Bitingaanka foornada lagu dubay qolofta ka saar, kaddibna burburi.
Miire ku rid si ay biyaha uga baxaan.
Qudaarta jarjar oo aad u yaryareey. Yaanyada aad jarjartay miire ku rid si ay biyaha uga baxaan.
Bitingaanka iyo qudaarta la burbiryay baaquli ku rid.
Ku dar cusbada, liin dhanaanta la miiray, saliidda oliifada, filfisha madoow, sirabka rummaanka, iyo tuunta. Si fiican isku qas kaddibna qaboojiyaha geli.





Faallooyin
15 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
This looks wonderful masha’Allah, I want to try making it tomorrow insha’Allah. Thank you so much for sharing. I use your recipes very often and have learnt a lot from you, jazakumullahu khairan.
I hope you don’t mind my making a request/proposing a suggestion – if possible, it would be wonderful if you could include the overall cooking (and perhaps) prep time of your recipes? Your website is one of my favourites. I wish you all the best.
Thank you so much for your nice comment. We are happy you like the website and that you found it helpful. Thank you for your suggestion. The cook and prep time are some of the things we hope to add to the website. Stay blessed!
Masha’allah” waad mahadsantihiin ilahay Xasanaad
Badan ha iidiin siiyo
Aamiin walaal. Adigana xasanaad badan iyo qayr badan Ilaahay ha ku siiyo.
A/S/C/L/KUM MASHAALHA WALALO WAD MAHAD SANTAHIIN SAD WALALIHIINA UGU FA,IDAYSEEN WAXYABO BADAN AAN IDINKA BARTY ALAHA ALLAAH AJAR HA,IDINKA SIIYO W/C/SLAAN
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada fiican iyo ducada. Ilaahay qayr ha ku siiyo adigana.
MashaaLLHA THANKS aad aad ayaa kuugu mahdinyaa Allah ha barakayo
Mahadsanid walaal.
MashaaLLHA THAKS aad aad ayaa kuugu mahdinyaa