Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Laxam Bicajiin
Halaqjafle · Rooti

Laxam Bicajiin

English
Easy Lahmacun
Français
Lahmacun Facile
العربية
لحم بعجين

Waxaa qoray · ·

Caafimaadka u roon 22 mukawin 15 tallaabo Diyaarin 45 daqiiqoKarin 35 daqiiqoWadar 2 saac ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Cajiin

Korkasaarka

Mukawinaad aad ka dhaafi kartid

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Diyaarinta cajiinka
  2. Isku dar burka, cusbada, sokorta iyo qamiirka. Biyaha ku kor shub qamiirka, kaddibna muddo 2 daqiiqo sug si uu qamiirka u kaco.

  3. Saliidda ku dar, kaddibna cajiinka rifaaq muddo 10 daqiiqo.

  4. Cajiinka dabool oo dhig muddo 1 saac si uu u qamiiro.

  5. Cajiinka u qaybi 6 ama sagaal gabal (cabbirka aad jeceshahay).

  6. Cajiinka fidi.

  7. Si fiican u fidi, qafiifna ka dhig.

  8. Diyaarinta laxam bicajiinka
  9. Qudaarta aad u yaryareey, kuna rid miire.

  10. Isku dar hilibka, cusbada, filfisha madoow, babriikada, iyo saliidda oliifada. Haddaad doontid, ku dar yaanyo shiishiid iyo sirabka rummaanka.

  11. Qudaarta iyo hilibka isku dar.

  12. Si fiican u qas.

  13. Hilibka iyo qudaarta isku jira u qaybi cajiinka aad fidisay.

  14. Ku dub foorno la sii kululeeyey kuna jiro dhagax biitso 450°F/230°C muddo 6 daqiiqo.

  15. Waxaa ku dubi kartaa foorno la sii kululeeyey oo ay ku jirta birta foorno 450°F/230°C muddo 6 daqiiqo.

  16. Haddaad doontid waxaa ku dubi kartaa birtaawo. Dab dhexdhexaad ah isticmaal ilaa uu laxam bicajiinka salka ka gaduuto muddo 3 daqiiqo. Kaddib, dabka aad u gaabi, dabool oo dub muddo 4 daqiiqo. Marka u dambeysa, daboolka ka qaad oo dub muddo 2 daqiiqo.

  17. Ku qaddin qudaarta aad jeceshahay. Laxam bicajiinka waa la duubaa oo looma cuno sida biitsada.

Sawirro

Faallooyin

54 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Leyla

    this is the best cooking website I have come across ! keep it up 🙂

  2. Sofie

    Assalam aleykum!i tried to do this but My dough does not look like yours 🙁

    I did like the recepie

    1. A&LXawaash

      Tell us how it is different so we can help you.

  3. fadumo

    Salama calaykum waalaal markasta waan galaa website kan qiimaha badan wax badan ayaan ka faa,iiday ilaahay ajar ha idinka siiyo.

    walaal waxaan rabay in aad noo soo galisaan sida loo sameeyo MACSHARO-BARIIS hadii ay suurto galtahay shukran

    1. A&LXawaash

      Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada fiican. Hadduu Eebbe idmo waan soo gelin doonnaa.

  4. Umu Zakariye

    Waxaan halkaan uga Mahadcelinayaa dhaman Asxabta Cilmigaan noo faa’idaysay ee Khubarada Xawash.com.. Intaas kadib Waxaan jeclaystay in Hal item ee aan garan wayay idin waydiyo, Waayo waxaa laga yaba in aan Gobolka aan jogo sikale loogayaqan ee gudaha Dalka Hooyo..

    Erayga ama Noca Khudrad ee an Magaca aad ubixisen garan wayay waa BAQDUUNI ……

    Waxaa laga yaba Cilmigayga yar awgeed in aan garan waayay oo waxaa laga yaba in aan wax kale ku fiicnahay…

    Raali halayga ahaado.

    1. A&LXawaash

      Adigaa mahadda mudan walaal. Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada wacan aad dalka hooyo inooga soo qortay. Baqduunis wuu ka-duwan yahay kabsarada, wuu ka-caleema weyn yahay, caraftana isku mid ma-ahan. Afka Ingiriiska waxaa loo yaqaanaa “parsley,” af Carabigana waa بقدونس. Haddaadan heli karin kabsaro ayaa isticmaali kartaa.

    2. khadija

      U jawaabaya A&L

      a.c.w

      walaalyaal aad ayad u mahadsantihiin xaqiiqdi waxaad tihiin muwaadiniin diyaar u noqday ineey caawiyan walaalahoda arinka waxeey xal u noqon kartaa ama yareeyneesaa buuqa ka jira familada waayo gabdhaha inta badan hadii ay ku mashquulan wax barashada meesha waxaa ka baxay howshii aasaasiga eheed ee gurigooda sidaas si lamid ah hadii incase gabdha ay u suurtogaliweyso ineey xaliso kushiinka wilka inta badan awood uma laheen oo dhan inuu sameey falilaahi alxamdu waxaa fududeesay arimaahs xalkooda xawaash.com waayo waa computerkaagasoo qaadoee fur webka sameey waxaad jeclaato, thank you more then hundred per cent. waxaan codsan lahaa in afsoomaliga naloo jilciyowaayo inta badan ma fahmi karno iyoin hadiiayjiraan wax yaabo lagu bedeli karo oo muqdisho yaalan waayo waxaan ahay a lady from mogadishu, tusaalo ahaan lahmacun garaafo, babriika baqduunis and so on, ma heli karaa buug aan so downloadgaresto thanks

    3. A&LXawaash

      U jawaabaya khadija

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada wacan aad inoo soo qortay. Waan ku faraxsan nahay waxa yar aan qabano inaad u aragtay wax qiima leh inay yihiin.

      Waxaa jira ereyo badan oo aan annaga af Soomaali ku aqoonin oo aan ku qasban nahay inaan af Carabiga ama af Ingiriisiga ka amaahsano. Tusaale ahaan af Carabiga ereyo badan oo ku saabsan cuntooyinka waxay ka soo qaateen af Ingiriisiga sida babriika بابريكة (paprika) beekin baawder بيكنج بودر (baking powder) iyo ereyo kale oo fara badan. Soomaaliyeenta ereyada cunto kariska waa mashruuc aan u baahan nahay inaad nagu kaalmeysaan, iyo waxa aad nooga aqoon roon tihiin inaad nala wadaagtaan. Waagii hore waxaan isticmaali jirnay ereyga buhaaraat (waxyaabaha cuntada lagu carfiyo). Waxaad inoo sheegteen in ereyga saxda ah uu yahay geedo, ereygaas oo aan hadda isticmaano. Waxaan idinka codsanaynaa wixii aad aragtaan inaan ku qalddan nahay inaad inoo saxdaan. Ra’yigiinana waan tix gelin doonnaa. Mahadsanid.

  5. nesh

    asc walalo,it’s really amazing,i was totally poor in cooking but since i

    started visit thz web site,i don knw even wat 2 say bt Alxamdulillahi nw am perfect in cooking thnx alot walalo mcn

    1. A&LXawaash

      Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.

      You are most welcome. We are very happy we could help. Thank you for your nice comment.

Fataa’ir

Beef & Lamb Fatayer

Halaqjafle
ENSOFRع

Cambaabur

Ambabur

Fiigan (xoolo la’aan)Rooti
ENSOFRع