
Cambaabur
- English
- Ambabur
- Français
- Ambabur
- العربية
- لحوح بالبهارات
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Waxaa isku shiiddaa shoomarka, kaamuunta, iyo xabbad soodada.
Khallaadka waxaa ku-shubtaa koob biyo ah iyo sarreenka, kaddibna ku-rid toonta iyo basasha. Si-fiican u-shiid.
Maqaaddiirta kale ku kor dar.
Si-fiican u-shiid.
Cajiinka dhig muddo 2 saacadood ama ka-badan .
Cajiinka inta aad soo dareysid wuxuu ku-xiran yahay birta aad isticmaaleysid cabbirkeeda. Haddaadan rabin inuu cambaaburka dhinacyada ka-qalalo, cajiinka birta dhinacyadeeda ha gaarsiinin.





Faallooyin
42 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
طبخاتك جدا رائعه..اريد الوصفه بالعربي خصوصا انواع الطحين المذكوره ياليت تكون موجوده عندنا بالسعوديه. .بالتوفيق لكم
شكرا جزيلاعلى التعليق، باذن الله سنترجم الصفحة
Salam sister, this is a very beautiful website full of amazing food mashallah. Could you please show us how to make naan bread. Jazakhallah
Thank you very much for your kind comment. God willing, we will post a recipe naan.
Cambaabur is very populair in djibouti aswell in the town of borama but it came from saylac/awdal region. I really like it we eat it on eid.
Thank you very much for your comment, and thank you for the information you provided.
ascm wwm salaan kadib waxaan idin ka codsanayaa inaad ii soo shegtaa sida xulbada loo isticmaalo marka lacabayo iyo faa idooyinkeeda ay tarto idinka oo iisoo faah faahinaya illaahay cilmiga ha idiin siyaadiyo
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Xulbada waxay u baahan tahay in habeenkii la qasso si ay u jilicdo. Subixii dhaq, kaddibna makiinadda ku shiid; badanaa basbaas, qumbe iyo kabsaro ayaa lagu shiidaa oo cunada ayaa lagu cunaa. Haddaad jeceshahay inaad cabto caano iyo hayl ku dar. Hadduu Eebbe idmo waan soo gelin doonnaa, faa’iidooyinka ay leedahayna waan ka hadli doonnaa. Mahadsanid.
Asc. Walal waamahadlisantihin ma iisheegi kartaan xulbada waxa lagu dhaho afka Qalaad.
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,
Xulbada waxaa loo yaqaannaa fenugreek.