
Canjeero iyo Signi
- English
- Eritrean Injera & Zigni
- Français
- Injera d’Erytrée et Zigni
- العربية
- زقني وإنجيرا أرترية
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Bur Isku Qasan
Qamiir Cajiin
Cajiinka Canjeerada
Signi
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Mukawinaadka Mukawinaadka 2 Mukawinaadka 3 Mukawinaadka 4 Diyaarinta Cajiinka. Burka isku-qasan iyo qamiirka isku-dar.
Biyaha kis-kis ugu shub.
Si fiican u-qas.
30 daqiiqo dhig si uu u-qamiiro cajiinka.
Diyaarinta Canjeerada. Burka isku qasan ku shub baaquli weyn.
Qamiirka ku dar, biyahana kis kis ugu shub.
Si fiican u qas.
Cajiinka ilaa hal habeen dhig ha qamiiro.
Fiidiyaha ka fiirso sida loo karinaayo.
Diyaarinta Zigniga. Digsi weyn dab dhexdhexaad saaran, saliidda ku shub hilibkana ku rid.
Kaamuunta ku shub.
Huruudda ku shub.
Yaanya shiishiidka ku rid.
Basasha ku dar.
Ku dar barbarooniga iyo yaanyada.
Ku dar maraq qudaar.
Si fiican u walaaq.
Dabool ha karo muddo laba saacadood.
Diyaarinta Zigniga. Ku dar geedaha berbere.
Ku dar buuro la dhalaaliyey ama subag.
Ku dar tuun (toon) la shiiday.
Dabool ha karo muddo shan daqiiqo.





Faallooyin
44 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Thnkz waxan halkan ugamahad celinayaa maamulaha wepseitkan kaas oo bulashada somalaiyed wax tarweyn oo habka cuntada loosameyo naga caawiyay cunooyinka gaarka eh iyo kuwa Hidaha iyo dhaqanka somaliyed
hello, i found out, that injera is originally coocked with teff, isn`t it? i was happy to see that i can order teff at internett in germany. so i ordert it, and at all it was great!
cheers
Klaus
Not all injera is cooked with teff. No teff is added to The Somali Injera. It is great that you can buy teff online.
U jawaabaya A&L
Thanks for the info. didn`t know that. so, than mine is an ethopian injera.
cheers
klaus
mansha allah allah haydinbarakeeyo walid kiin iyo awaladinaba iyo dhaman intaada kakoban tihin
Aamiin walaal. Aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay. Qayr badan ayaan Eebbe kaaga baryaynaa.
asc aad ayaa umahadsan tihin burka qamiiraka meeshena lagama helo burka cadiga maku sameysan karaa canjeerada mahadsanid
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Adigaa mahadda mudan. Burka caadiga waa ka qasi kartaa laakiinse waqti badan ayuu u baahanaaya si uu u qamiiro. Habeenka ka horeeya qas banaanka u dhaaf.
walalo please ii macnee waxay tahay huruud iyo berbere adoo mahadsan raalina ah waayo (huruud) kalar ayan u aqaana. thanks indeed.
Huruud waa buhaar cuntada lagu darsado; Soomaaliya haweenka wejigana wey marsan jireen. Af-Ingiriisiga waxaa loo yaqaanaa “turmeric,” af-Carabigana waa “kurkum ama hurd.” Berbere waa dhoor nooc buhaar sida xawaashka oo kale, waxaa badi laga isticaalaa Ethiopia iyo Eritrea, Soomaalida qaarkoodna wey isticmaalaan.