
Biitsa Turki Hilib Leh
- English
- Meat Pide
- Français
- Pide à la Viande
- العربية
- بيتزا اللحم التركية
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Biitsa Turki Hilib Leh
Korkasaarka
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Diyaarinta biitsada Turkiga Burka baaquli ku shub dhexdana banneey. Ku shub qamiirka, sokorta, biyaha iyo cusbada.
Si fiican u rifaaq muddo 5 daqiiqo. Dabool oo ha qamiiro muddo hal saac.
Isku dar basasha la yaryareeyey, buhaarka “allspice,” sumaa’, cusbada iyo filfisha madoow. Basasha geedaha ku rug.
Ku dar saliidda oliifada, yaanyo shiishiidka, hilibka shiidan, yaanyada la yaryareeyey, barbarooniga iyo basbaas halabeenyo. Isku qas, laakiin qasidda ha ka badinin.
Cajiinka u qaybi 6 qaybood kaddibna mid walba kuus. U fidi dherer 10 inji (25 sentimitir).
Saddex qaaddo hilibka dul saar cajiinka, kuna fidi.
Dhinacyada laab oo sida doon oo kale ka dhig.
Isku qas caana fadhiga iyo biyaha. Dhinacyada mari, kaddiba wax yar kala jiid.
Ku dub foorno lasii kululeeyey kuna jiro dhagaxa biitsada ama bir foorno 500°F/260°C muddo 15 daqiiqo. Dhinacyada buuro mari. Qaddin iyada oo weli qababacleynaysa.





Faallooyin
14 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Could you use this filling with like a puff pastry or it only works with this dough?
Yes, you can.
You guys are amazing! You both make cooking look so effortless and easy. Your website is a must-have esp. as Ramadhan is around the corner. I wanted to know if you guys could post a recipe of the mexican drink “horchada”? Much appreciation.
Thank you very much for your kind comment. We are happy to know that you like the website. We will add Horchata to our to do list. Thanks again.
Asalamu alaykum xaawash
I saw your recipe and i fell head over heels for it mouth watering .i would really like it if you could show us the vegetarian pide or post it as a video it would be most apreciated thank very much also for showing the rice topping and jazakullah khairn
Thank you very much, Sarah. God willing, we will post the vegetarian pide soon. We wish you all the best.
walaalahayga qaaliga ahoow waxaan arkay in badan oon jeclaystay qaarna waan fahmay sida aan u karsan karo qaarka lana wax yar ayaa iga khaldan oo an fahminin waana magacyada aad qorteen oo ah kuwo aanan isticmaalin hadaan nahay dadka somaliya gudaheeda kunool ee danaynaya ka faa idaysiga khayrkan marka isu kaaya dhiba markale ilaah ajar badan ha idin kasiiye oo nookala shega waxyaabaha aan wadan keena laga helaynin sidaan u maarayn lahayn macnaha wixii an ku badalan lahayn madama an rabno inaaan cunto wanaagsan cunno mahadsanidiin rabbi ha idinka ajar siiyo dhamaantiina??????????
Waa ku mahadsan tahay xiriiriskaada walaal. Wixii aa fahmi weysaan inoo sheega, hadduu Eebbe idmo waan micneyn doonnaa magacyada iyo wixii lagu beddeli lahaa. Annaga kama warqabno waxyaabaha aan laga helin waddanka hooyo, laakiinse waxwalbo wax lagu beddeli karo ayaa jira.
Asalamu caleykum,
Mashallah I might as well speak up today, I have been following this website for the almost two years Mashallah I have learned a lot and it has helped me a lot in My new marriage life. Being a newly wed and never had the rich experience of being a cooker, this website has Mashallah can’t describe in words how it shaped my cooking life. Thank you so much for doing all this for the muslim ummah and subxanallah just being so creative. May Allah swt bless you too and may Allah swt add Barakah to all you do.
Thank you very much for letting us know. We are very happy to know that you have found the website helpful. We wish you all the best.