Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Fataa’ir
Halaqjafle · Rooti · Quraac

Fataa’ir

English
Beef & Lamb Fatayer
Français
Chaussons au Boeuf et a l’Agneau
العربية
فطائر باللحم

Waxaa qoray · ·

18 mukawin 24 tallaabo Diyaarin 1 saac 15 daqiiqoKarin 45 daqiiqoWadar 1 saac 30 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Burka

Hilibka

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Burka baaquliga ku-shub.

  2. Qamiirka rootiga ku-dar.

  3. Cusbada ku-dar.

  4. Sokorta ku-dar.

  5. Caanha qandaca ah ku-dar.

  6. Saliidda ku-dar. Afar daqiiqo makiinad ku-rifaaq ama 10 daqiiqo gacan ku-rifaaq.

  7. Basasha baaquli ku-shub.

  8. Ku-dar buhaarka “allspice”.

  9. Cusbada ku-dar.

  10. Saliidda ku-dar.

  11. Hilibka shiidan (lo’da iyo ariga) ku-dar.

  12. Barbarooniga gaduudka iyo jaalada ku-dar.

  13. Yaanyada jarjaran ku-dar.

  14. Filfisha madoow ku-dar.

  15. Si-fiican isku-qas.

  16. Burka 50 gabal is-le’eg u-qaybi.

  17. Gabal walba kuuskuus sida sawirka.

  18. Burka fidi. Waxaad isticmaali kartaa farahaada, ama qoriga lagu fidiyo, ama makiinadda baastada.

  19. Hal QW oo hilib ah saar burka.

  20. Dhinac soo qaad oo soo laab kuna dheji sida sawirka.

  21. Dhinaca kalena sidoo kale u-soo laab oo isku dheji.

  22. Labada dhinac oo kalena sidoo kale u-sameey.

  23. Fataa’irka sidaas ayay u ekaanaayaan.

  24. Waxaa saartaa bir aad saliid marisay ama isticmaal xaanshi “parchment”. Ku-dub foorno kulaylkeeda yahay 400°F/204°C, muddo 14 ilaa 16 daqiiqo.

Sawirro

Faallooyin

68 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. OMAR

    how long does dough have to sit ????

  2. maryan

    asalamu caleykum

    walalayaal aad baad umahadsantihiin sida aad wax noogu soo gudbiseen

    walalayaal waxaa niweydiinaa makiinada cajiinka lagu qaso xageen ka heli karaa mahadsanidiin

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Adigaa mahadda mudan walaal. Waxaa ka heli kartaa dukaamada maacuunta lagu gado, ama dukaamada waaweyn (department store), ama internetka.

  3. Amal

    waaaaaaaaaw masha allah . . plz can u tell me from where can I get all spices ?

    1. A&LXawaash

      Thank you very much. It is available at the supermarkets.

  4. ....

    i love this and cant wait to make them

    1. A&LXawaash

      They are really delicious. Thanks.

  5. qali shegoow

    masha alah wad ku mahasantihiin jawabtiina

    thanks i will try insha alah

    1. A&LXawaash

      Adigaa mahadda mudan.