Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Makarooni Alfoorno
Cuntada rasmiga · Soos & xawaash

Makarooni Alfoorno

English
Baked Macaroni
Français
Gratin de Macaronis
العربية
weli lama turjumin

Waxaa qoray · ·

22 mukawin 27 tallaabo Diyaarin 30 daqiiqoKarin 1 saac 15 daqiiqoWadar 1 saac 35 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Meat Sauce

Beshameelka

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Suugada hilibka

  2. Bir dab dhexdhexaad ah saaran, waxaa isku dartaa basasha, saliidda iyo cusbada. 3 daqiiqo dallac.

  3. Tuunta (toonta) ku-dar, 2 daqiiqo oo kale dallac.

  4. Hilibka shiidan ku-rid. Kari ilaa uu xoogaa gaduuto (10 daqiiqo).

  5. Yaanyada ku-dar.

  6. Yaanyo shiishiidka ku-dar. Toban daqiiqo kari.

  7. Reexaanta waxaa ku-dartaa markaad suugada dabka ka-dajin rabtid.

  8. Beshameelka

  9. Digsi (4L qaada) oo dab dhexdhexaad ah saaran, waxaa ku-shubtaa saliidda, buuradana ku-rid.

  10. Markay buurada dhalaasho, burka ku-dar.

  11. Si-fiican u-walaaq. Shan daqiiqo kari ilaa uu ka xumbeeyo, burkana soo carfo.

  12. Caanaha ku-shub, labadana si-fiican ugu walaaq.

  13. Cusbada ku-dar.

  14. Markuu beshameelka soo culusaan rabo, ¼ litir caano ku-dar. Haddana hadduu cuslaado, caanaha ku-dhammee.

  15. Sokorta ku-dar.

  16. Jowska ku-dar.

  17. Farmaajada ku-dar, haddaad isticmaalaysid.

  18. Makarooni

  19. Karkari 5 litir oo biyo, cusbana ku-dar.

  20. Makaroonida ku-shub. 8 daqiiqo kari.

  21. Makaroonida oo wax yar u-dhiman tahay ka-deji. Foornada ayay kusii bislaan doontaa.

  22. Isku-dhafka saxanka

  23. ⅓ oo suugada ku-fidi saxan cabbirkiisu yahay 13″ x 9″ x 3″.

  24. Makaroonida aad karisay xoogaa beshameel ah ku-qas.

  25. Makaroonida nuskeeda ku-fidi.

  26. Suugada hartay ku-fidi.

  27. Farmaajo kor uga-shub.

  28. Makaroonida hartay ku-fidi.

  29. Beshameelka ku-shub.

  30. Farmaajada kor uga-shub.

  31. Ku-dub foorno kulaylkeedu yahay 380°F/193°C muddo 45 daqiiqo.

Sawirro

Faallooyin

86 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Hassan

    All your recipes are delicious to look at. I tried pita bread, macroni and shawarma all turned out good.. I’m new in Toronto and which brand parmesan cheese you used I’m unable to find any halal parmesan. Jazakallah khair.

  2. Mona

    This is outstanding Ma sha Allah!

    What can be used as an alternative for butter in this recipe?

  3. shuu shuu

    Asc walal ajir iyo xasand an laso kobi karin ebo ha idin siyo waxan rabay in an.ogado butter ma kan unsalt eh mase kan salt jzk

    1. A&LXawaash

      Mahadsanid walaasheenna qaaliga ah. Labadaba waa isticmaali kartaa.

  4. farhia kiin

    asalamu caleykum waraxma tulahi wabarakaatu walaashey leyla iyo sowjkeeda aad ayaad u mahadsabtiin waana idinka faa,ideystay awal hore uma aqoon webka lkn universal ayaan ka arkay

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Ku soo dhowoow goobta Xawaash. Aad iyo aad ayaan ugu faraxnay inaad ka faa’iidaysanaysid. Mahadsanid walaal.

  5. Muna

    Walaalyaal wan idin salaamay saalaan kadib aad I yo aad ayaad umahad santihiin .indhaha ayaad noofurteen .guuleesta waligiin Kuwii jiro Allah ha idin ka dhigo . سلمت الأيادي

    1. A&LXawaash

      Mahadsanid walaasheenna qaaliga ah. Waan ku faraxnay faallada qaayaha leh aad inoo soo qortay.

Digaag Qumbe

Yogurt Coconut Chicken

Cuntada rasmiga
ENSOFRع