Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Kutuleeti Digaag
Cuntada rasmiga · Insalaaddo · Soos & xawaash

Kutuleeti Digaag

English
Chicken Parmesan
Français
Escalope de Poulet Panée au Parmesan
العربية
دجاج بجبن البارميزان

Waxaa qoray · ·

21 mukawin 21 tallaabo Diyaarin 30 daqiiqoKarin 25 daqiiqoWadar 45 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Suugada (been dallaca)

Waxaa la-raacinaayaa

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Shafafka digaagga ka-jar wixii caddiin ah .

  2. Shaf walba laba gabal ka-dhig.

  3. Kor iyo hoos bac u-dhig. Si-fiican u-ballaari.

  4. Tuunta (toonta) iyo cusbada isku tun oo si-fiican u-shiid.

  5. Saxan weyn ukunta iyo caanha ku dhex lab.

  6. Tuunta aad shiidday iyo filfil madoow shiidan ku-dar. Si-fiican u-lab

  7. Budada rootiga (rooti qalalan oo la shiiday) iyo farmaajada parmijaanada isku-qas.

  8. Digaagga ukunta qasan ku-rid. Labada dhinac gaarsii

  9. Kaddib, digaagga budada rootiga ku-rid. Si fiican korka uga shub, kuna riix faraha si uu ugu dhago.

  10. Saliid cad ku-shiil adigoo isticmaalaysid dab dhexdhexaad ah.

  11. Wax yar rooti shiidan ku-shub saliidda. Hadday xumbayso, saliidda waa diyaar.

  12. Digaagga saliidda ku-rid. Dhinaca koowaad 2 daqiiqo shiil.

  13. Geddi oo 1 daqiiqo dhinaca kale shiil.

  14. Xaanshiyaha jikada (paper towels) digaagga saar.

  15. Been dallaca waxaa kor saarta jeex rooti la-kululeeyay. Farmaajo mozareela iyo yaanyo aad jarjartay dhinaca ka-dhig.

  16. Bir dab dhexdhexaad ah saaran, waxaad 2 daqiiqo ku-dallacdaa basasha. Tuunta ku-dar oo daqiiqad kale dallac.

  17. Ku-dar yaanyada jarjaran, cusbada, iyo sokorta.

  18. Toddoba daqiiqo ka-dib, ku-dar reexaanta iyo oliivada jarjaran. Waa diyaar.

  19. Afar gabal oo rooti jarjar. Toostarka ku-kululeey.

  20. Mozareelada 8 gabal u-jar.

  21. Yaanyada jarjar.

Sawirro

Faallooyin

53 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Fadumina

    Salam aleikum,

    You are really my inspirations. I was following your blog since the start and I’m edicted to it, in a positive way.

    keep up the good work and JazakumulLah

    Fadumina

    1. A&LXawaash

      Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.

      We are happy you like the blog and found it beneficial. Thank you for your nice comment.

  2. Hassan

    Asc aad ayan idinkaga mahad celinaya masha allah guulaysta howl fcn ayaad qabateen

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Adigaa mahadda mudan walaal. Waa ku mahadsan tahay hadalada wacan.

  3. amira

    suaal walaaalo chicken ka ukunta iyo garlic aad marineso maku daahin karaa intan bread crumb iyo chees ka dusha kamarin dhadhan dheeri ah si ay u yeshan thanks

    1. A&LXawaash

      Ukunta meeshaan “marinade” ma-ahan looma baahna inaad la-dhigto. Markaad “marinade” u-isticmaalaysid qal iyo saliid ayaa lagu daraa, laakiinse solay ayaa laga dhigaa.

  4. amira

    asc aad baan idinkugu mahadcelinayaa wanaagan faraha badan aad ino sameneysan masha allaaaah aduun iyo aakhiro waxaad jeceshihiin oo kheyr ah alle ha idin siiyo waxan kusi faraxsanahay wiilal unban idin heestay dadka ino faideso lakin layla ban bartay masha allaah noolaada waligiin

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

      Aad ayaa ugu mahadsan tahay hadalka wanaagsan iyo ducada wacan. Barasho wanaagsan ayaan ku-leenahay adigana. Mahadsanid.

  5. Mimi Jama

    ASC A&L, Ramadan kariim, may Allah Bless you guys.

    I would like to say thank you for the wonderful food, the recipes I’ve learned so much from you. and i looooooove this blog mansha allah. 🙂

    1. A&LXawaash

      Thank you very much for your kind comment. We are happy to know that you like the website. Enjoy the recipes!

    2. khadro

      U jawaabaya A&L

      asw waan idin salaamay ruuxa barnamij kaan soo fikiray aad ayaan ugu baahneen jasaakuma laah, waxaan idinka cod sanayaa begka la yirahdo vegan magic dolsho ayaa kugiro oo ah karoot walaal somali igu turjin fadlan

    3. A&LXawaash

      U jawaabaya khadro

      Wacalaykum assalaam waraxmatullaahi wabarakaatuh,

      Waa ku-mahadsan tahay faalladaada. Annaga haddaan tarjumayno waa inaan fasax weydiisannaa.

Digaag Qumbe

Yogurt Coconut Chicken

Cuntada rasmiga
ENSOFRع

Keesadiya

Quesadillas

CagaaryahanHalaqjafle
ENSOFRع