Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Kalaamuddo
Cuntada rasmiga

Kalaamuddo

English
Kalamudo
Français
Kalamudo
العربية
كَـلامُـدّة

Waxaa qoray · ·

16 mukawin 15 tallaabo Diyaarin 1 saac 20 daqiiqoKarin 2 saac 15 daqiiqoWadar 2 saac 30 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Fuud

Cajiin

Mukawinaadka kale

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Diyaarinta fuudka
  2. Hilibka ku digsi 8 litir qaada ku rid. Biyaha ku shub. Dab sare ku kari.

  3. Xumbada ka qaad. Dab yar ku kari muddo hal saac iyo bar ama ilaa uu hilibka ka bislaado.

  4. Fuudka

  5. Fuudka
  6. Hilibka oo bislaaday
  7. Sida loo sameeyo kalaamuddada
  8. Burka, cusbada iyo sokorta isku dar. Saliidda iyo ukunta ku dar.

  9. Kis kis ugu dar koob iyo rubi oo fuudka ah, iskuna qas. Fuudkaan waxaa digsiga ka qaadan kartaa nus saac kaddib.

  10. Bataatada (baradhada) ku dar, kuna qas. Si fiican u rifaaq.

  11. Cajiinka 6 gabal isle’eg ka dhig. U fidi buurni ¼ inch (~0.5 cm). Cajiinka aad fidisay, afar gabal ka dhig.

  12. U jar sida sawirka aad ka aragtid.

  13. Kalaamuddada u sameey sida fiidiyaha aad ka arki kartid.

  14. Cajiinka oo la jarjaray
  15. Kalaamuddada oo diyaar u ah in la kari ama in baraf lagu keydiyo
  16. Kalaamuddada oo diyaar u ah in la kari ama in baraf lagu keydiyo
  17. Kalaamuddada oo diyaar u ah in la kari ama in baraf lagu keydiyo
  18. Karinta kalaamuddada
  19. Basasha iyo saliidda isku dalac adigoo dab sare isticmaaleysid. Tuunta ku dar. Kari 2 daqiiqo oo kale.

  20. Yaanyada ku dar. Kari muddo 5 daqiiqo.

  21. Hilibka iyo maraq qudaarta budada ah ku dar. Si fiican u walaaq.

  22. Ku dar 8 koob (2 litir) fuudka oo kulul.

  23. Kalaamuddada ku dar ee wax yar walaaq. Dab dhexdhexaad ku kari muddo 10 daqiiqo. Wax badan ha walaaqin.

  24. Qalka ku dar, waxaana kalaamuddada qaddintaa iyadoo kulul oona qoyyan.

Sawirro

Faallooyin

47 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. ayaan

    Asalamu calekum. Tout d abord merci pour vos super recettes, c’est avec plaisir que j’ai fait des kalamudos hier soir pour ma famille. Ils ont adoré mais malheureusement j ai pas pu congelé les restes des kalamudos car elles ce son collé les uns aux autres. Pourriez vous me dire ce que j’ai fait des faut dan la recette. Merci d’avance pour votre réponse. Macsalamo

  2. halima aderi

    asc 2nooc kalamuudo ayaa kujirto Xawaash mash potato and no mash maxay kula duwan yihiin ?

    1. A&LXawaash

      Waagii hore bataato laguma dari jirin, laakiinse wey ku fiican tahay. Qafiif ayey kasii dhigtaa. Ramadaan Kareem, Halima.

  3. Umu axlaam

    Asc walal wad mahadsan tahin dhantin howlkar nimadinana alle hadin siyadiyo

    1. A&LXawaash

      Aamiin walaal. Aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay.

  4. nasra

    Mahadsanidiin kooxda website kan ee aad ka u caawinta badan walal waxn ku weydinaya waxn sameyay burshiil aad nooso bandhigteen lkin dhexda wuu iga ceermaaday maxaan qalday walal thanx

    1. A&LXawaash

      Adigaa mahadda mudan walaal. Waxaa muuqata saliidda inaad aad u kululayd, banaankana wuu ka gaduudanaa gudahana kama bislaanayo. Mahadsanid walaal.

  5. juu and ruuxi

    walal waad mahadsan tihiin dhamaan tiin waxana doonena hadii aad samen kartaan in aad no sameesaan waxa jira wax yaabo bdn o saamaalia laga heleen web kaana waan ku xeraan nahay mar waalba waan ka barana cunta kariinta marka waxa codsaneena hadii aad kari kaartaan in aad labo qeyb ka dhigtaan waxi somalia laga heli karo iyo waxi laga helen by

    1. A&LXawaash

      Waxa aadan heli karin noo soo sheeg. Waxaa dhici karta wax kale inaad ku beddeli kartid.

Digaag Qumbe

Yogurt Coconut Chicken

Cuntada rasmiga
ENSOFRع