
Barooddo Digaag
- English
- Chicken Recipe: Soup
- Français
- Soupe de Poulet
- العربية
- شوربة الدجاج
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
barooddo
Rooti tuun iyo geedo leh
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Shaf digaag Qudaarta Diyaarinta barooddada Digsi 6 litir qaada oo dab dhexdhexaad ah saaran ku rid digaaga, selariga, bataatada, basasha, yaanyada, tuunta (toonta), cusbada, iyo biyaha. Dabool ee kari muddo hal saac iyo bar.
Digaaga iyo bataatada ka bixi.
Maraqa miir.
Digaaga iyo bataatada jarjar, karootadana xoq.
Saliidda ku kululeey dab dhexdhexaad ah, kaddibna burka ku dar. Muddo 5 daqiiqo shiil adigoon walaaqidda ka joojinayn.
Maraqa ku dar, si fiicanna u walaaq.
Caanaha ku dar ee si fiican u walaaq. Mastardka ku dar.
Kudar digaagga, bataatada, iyo karootada.
Ku dar casiirka liinta iyo farmaajada. Barooddada qaddin iyadoo kulul.
Mukawinaadka asaasiga ah Fuudka digaagga iyo bataatada Barooddo Digaag Rooti Diyaarinta rootiga tuunta iyo geedaha leh Bir dab dhexdhexaad ah saaran saliidda ku shub, tuunta iyo geedaha ku dar.
Rootiga ku rid. Si fiican u walaaq.
Cusbada ku dar si fiican u walaaq. Farmaajada ku dar.





Faallooyin
14 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
I loved it yummy 🙂 All of your recepies are fantastic plus music as welll,,, im a bit addicted watchng ;)May Allah always help you in your sincere work.
Thank you very much.
Would you know about how many people this recipe will serve?
It serves 6 people.Thanks.
I love this recipe. I’m not much of a soup eater but when watched the video I thought I would try to make this. I made it yesterday and am so happy did. This is the best soup I’ve ever had. Thankyou for posting this recipe!
We are happy you loved it. Soup can be very comforting at the right time. Thank you very much for your kind words.
s/c walal aad baad u mahad santihiin ,walal waxaan idin way diin lahaa furunka herbs ka aad ku darteen waa maxay magiciisa ii sheeg fadlan.
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Waxaan isticmaalnay seej af Ingiriis waxaa loo yaqaanaa “sage” iyo oregano. Carafta aad jeceshahay ayaad isticmaali kartaa sida reexaanta, zactarka, kabsarada iyo baqduuniska.
asalaamu caleykum walaalaheyga qaaligoow dhamaantiin waamahadsantihiin niyadiin allaah niiyeelo idinka iyo intii jeceshihiinba jazaakallaakuqheyrakum waqeer jamiic muslim
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Walaasheenna qaaliga ah, Ilaahay ha kaa abaal mariyo ducada iyo faallooyinka joogtada ah. Mahadsanid.