Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Shurbat Cadas
Barooddo

Shurbat Cadas

English
Lentil Soup
Français
Soupe de Lentilles
العربية
شربة عدس

Waxaa qoray · ·

Caafimaadka u roonFiigan (xoolo la’aan)Cagaaryahan 17 mukawin 17 tallaabo Diyaarin 15 daqiiqoKarin 1 saac 5 daqiiqoWadar 1 saac 20 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Fiidiyo aan muusik lahayn

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Shurbat Cadas

Saliid tuun & kaamuun leh

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Diyaarinta shurbat cadaska
  2. Basasha ku dallac 3 qaaddo saliidda oliifada muddo 3 daqiiqo. Tuunta ku dar.

  3. Ku dar babriikada, huruudda shiidan, qorfaha shiidan, kaamuunta shiidan iyo filfisha madoow. Si fiican u walaaq.

  4. Ku dar yaanyada, si fiicanna u walaaq. Ku dar barbarooniga, iyo karootada. Kari muddo 5 daqiiqo. Kaddib ku dar cadaska (misirta) iyo biyaha.

  5. Ku dar maraq xawaashka (ama xawaash iyo cusbo), si fiicanna u walaaq.

  6. Markuu soo karo, dabool oo dab yar ku kari muddo 45 daqiiqo.

  7. Si fiican u shiid.

  8. Sameey saliidda udgoon. Saliidda oliifada iyo tuunta isku shiil ilaa ay tuunta ka gaduudato.

  9. Tuunta ka saar. Kaamuunta shiidan ku dar, dabkana ka demi.

  10. Cadas (Misir) gaduudan oo la dhambalay
  11. Qaar ka mid ah mukawinaadka
  12. 1- Yaanyo jarjaran

  13. 2- Karooto jarjaran

  14. 3- Basal jarjaran

  15. 4- Babriika

  16. 5- Huruud

  17. 6- Kaamuun shiidan

  18. 7- Barbarooni gaduudan oo jarjaran

  19. 8- Saliidda oliifada

  20. 9- Tuun la xoqay

Sawirro

Faallooyin

27 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Kat

    Thank you for this recipe. I have made this 6 times in the past few months and it is my favorite soup. I’m making it for my mother today, she just got out of the hospital and I know this will help her feel better. Many thanks

  2. afroze

    Where can i buy the xawaash bullion powder. I cant find it anywhere

  3. Afroze

    Hi. I’m trying to make this lentil soup. But I can’t find the xawaash boullion powder. I’m in the uk where can I buy this? Thanks

  4. saida

    asc walaalaha xawaash waxaan idinka mahad celinaya shurbat cadaskii dhadhanka laha aan kabartey,waad mahaDSANTAHIIN ILLAHEY HA IDIN XAFIDO.

    1. A&LXawaash

      Amiin walaal. Adigana Ilaahay qayr ha ku siiyo.

  5. Asia

    waxan idinku salaamay salaanta islaamka aslassmu calaykum walaalo waxaan idin waydiin lahaa meesha laga helo qaadadan yarta ah oo aad wax ku qiyaaataan waan tegay dhowr store but i can’t find it so it will be great if u let me know where i can find it thank u.

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Waa ku mahadsan tahay salaanta wacan. Waxaad ka heli kartaa dukaamada waaweyn (department stores) ama dukaamada maacuunta ama webka. Halkaan guji amazon.co.uk.

Bariis Maraq

Somali Rice Pilaf

Fiigan (xoolo la’aan)Cuntada rasmiga
ENSOFRع

Maraq Ari

Lamb Stew

Cuntada rasmiga
ENSOFRع

Digaag Qumbe

Yogurt Coconut Chicken

Cuntada rasmiga
ENSOFRع