Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Barooddo Qudaar
Barooddo

Barooddo Qudaar

English
Vegetable Soup
Français
Soupe de Légumes
العربية
شربة خضار

Waxaa qoray · ·

Caafimaadka u roonFiigan (xoolo la’aan)Cagaaryahan 13 mukawin 9 tallaabo Diyaarin 15 daqiiqoKarin 35 daqiiqoWadar 1 saac 30 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Waxaa ku-dari kartaa

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Qudaarta gaballo waaweyn u-jarjar.

  2. Digsi 6 litir qaada ku-rid. Ha ku-ridin isbinaashada iyo zukiinida.

  3. Ku-dar 2 litir oo biyo ah.

  4. Ku-dar maraq qudaarta Vegeta ama mukacabbaatka Maggi ama Knorr.

  5. Dabool oo dab dhexdhexaad ah ku-kari muddo 15 daqiiqo.

  6. Ku-dar isbinaashada iyo zukiinida. Dabool oo 5 daqiiqo dab dhexdhexaad ah ku-kari.

  7. Dhig oo ha-qaboowdo qudaarta karsan.

  8. Markay qaboowdo, kiskis u-shiid. Waxay ku sii fiican tahay in khallaat lagu shiido.

  9. Haddaad jeceshahay, caano ama kareemo ku-dar. Waxaa kaloo ku-dartaa farmaajo parmijaano la-xoqay. Barooddada kululeey intaadan qaddimin.

Sawirro

Faallooyin

45 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. khada

    MashaAllha Ajar iyo xasanaad badan Allaha Ha idin ka siiyo waad noo faa idaysseen aad idinku mahad celinayaa waad naga farxissen

    1. A&LXawaash

      Aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay walaal. Waan ku faraxnay inaad jeclaatay.

  2. Abshireey

    Bisinka walaahi waa ka cabsoo. Delicious cajiib ah oo hadana aan dhib laga mareeynin waaye. Thanks guys I love this website walaahi. So far waxaan bartay 2 ditsh. Maraqan iyo bariis udgoon. Out come waxuu noqday very very very delicious. I try another ones soon.

    1. A&LXawaash

      Mahadsanid walaal. Waan ku faraxnay inaad jeclaatay.

  3. roda

    asc wr wb walalyaal runtii ma aqaan waxaan idiinku abaalgudo dadaal kiina iyo hawl qabadkiina maaha wax la soo koobikaro runtii aad baad noo farxad geliseen ilaahay haydika farxiyo oo haydinka raali ahaado khayr iyo guul iyo farxad baan idiin rajeynayaa walaalayaal dadaal kiinana halkaa ka siiwada wsc wr wb .

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Inaad ka faa’iidaysataan oona ku faraxasan tihiin ayaa abaalgud inoo ah. Adigana intaad noogu ducaysay iyo in ka badan ayaan Ilaahey kaaga baryaynaa. Aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay.

  4. roda

    asc walaalayal runtii aad baan uga helay alaabta aadka uqiimaabadan ee aad noosoo diyaarisee walalaayaal ilaahay hadin barakeeyo oo khayr iyo xasanaad haydinka siiyo dadaalkiina aan kalagoa lahayn ee aan nuugu jirtaan aad iyo aad baad u mahadsantihii walaaloyaal ajar iyo xasanaad ilaah haydinsiiyo intaa kadib, walalo laba suaalood ? walalo 1 qudaarta aad shiideen biyii lagu kariyey saa la oranayaa suaasha ? 2 labaad caanaa lagu darayaa waa noocma , walalo biyo

    se malagu darayaa , hadii lagudarayo biyo ilaa intee inleeg baalagudarayaa ,walalayaal run ahaantii aad baan suaalaa idiin ku badiyee aad iyo aad raali iiga ahaada ilaahay raali haydin ka noqdee walalayaal wasalaama calaykum waraxmatulaahi wa barakatu.

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Walaal Roda, waan ku faraxnay faallada qiimaha badan aad inoo soo qortay. Adigana qayr badan ayaan Eebbe kaaga baryaynaa. Midda koowaad su’aalaha badan waan jecelnahay, sababtoo ah waxaan ku ogaannaa inaad isticmaalaysiin website-ka. Midda labaad qudaarta biyihii lagu kariyay oo dhan ayaa lagu shiiday, kaddibna caanaha caadiga ah ama kuwa subaga wax yar laga saaray 2% ayaad ku darsan kartaa. Biyo kale uma baahna in lagu daro. Haddaad su’aal kale qabtid nala socodsii. Mahadsanid walaal.

Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Shurbat Cadas

Lentil Soup

Fiigan (xoolo la’aan)Barooddo
ENSOFRع

Maraq Qudaar

Vegetable Stew

Fiigan (xoolo la’aan)Cuntada rasmiga
ENSOFRع

Digaag Qumbe

Yogurt Coconut Chicken

Cuntada rasmiga
ENSOFRع