
Bariis Maraq
- English
- Somali Rice Pilaf
- Français
- Riz Pilaf Somali
- العربية
- البيلاف الصومالي
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Bariiskaan ma ahan sida bariiska waddamada kale looga yaqaanno “Pilaf.” Waddamada kale waxay koob walba oo maraq ah ku kariyaan 2 ama 3 koob bariis ah, waxayna ku daraan biyo. Bariiskaan aan sameynay, koob walba oo bariis ah waxaan ku karinnay laba koob maraq ah, maraqaasna wuxuu bariiska u yeelay dhadhan aad u macaan. Mararka qaarkood waxaan bariiska noocaan ah ku cunnaa moos (muus) keliya anagoo marna tabin hilib lagu cuno.
Waxaa caada ahayd bariiskaan midabbada qurux leh in la sameeyo munaasabaadka qaarkood sida aroosyada, xusaska, iwm. Waxaa bariiska lagu karin jiray maraq ari, waxaana lagu karin jiray dugsu aad u waaweyn. Bariiska wuxuu ahaa waxa ugu muhiimsan munasabaadkaas, waxaana lagu qurxin jiray qudaar sida bataatada (baradhada), karootada iyo basal la shiilay. Waxaa kaloo lagu qurxin jiray sabiib.
Bariiska Soomaaliya laga heli jiray ma ahayn mid aad u fiican sida kan maanta aan soo gadanno oo kale. Dhaqaale darteed, waxaa la isticmaali jiray midabbada cuntada oo lama awoodi jirin sacfaraanka asliga ah. Taas ka sokoow, carcarafta bariiska lagu dari jiray, iyo maraqa ariga oo aad u fiicnaa, iyo qibradda hablaha Soomaaliyeed, waxay bariiska ka dhigi jireen mid layaab leh.
Waxaan kalsooni buuxda ku dhihi karnaa in bariiskeenna Soomaliga ah uu yahay kan ugu fiican adduunka. Waxaan rajeynaynaa inaad tijaabisaan, waxaana rajeynaynaa inaad nagu waafaqdaan.
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Bariis Maraq
Maraq
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Bariis basmati nooca “Sella” Bariiska la dhaqay oo 4 saacadood biyo lala dhigay Waxaa isticmaalnay lafo digaag. Waxaa ku beddeli kartaan lafo ari, lo’aad, ama kalluun. Dadka aan hilibka cunin, lafaha way ka dayn karaa, maraqana wuu dhadhan fiicnaanaayaa. Diyaarinta maraqa Digsi 6 litir qaada waxaa ku riddaa basasha, tuunta (toonta), karootada, yaanyada, iyo barbarooniga cagaaran.
Ku dar baqduuniska, kabsaro caleenta, iyo lafaha digaagga haddaad isticmaalaysid.
Ku shub biyaha qaboow.
Ku dar carcarafta iyo cusbada maraq qudaarta.
Dabool oo dab yar ku kari muddo 3 saacadood.
Maraqa miir.
Maraqa Diyaarinta bariiska Basasha saliid ku dallac ilaa ay ka jilicdo.
Ku dar tuunta (toonta) kaddibna walaaq. Ku dar qorfaha, Xawaashka, haylka shiidan iyo dhegayaraha. Si fiican u walaaq.
Ku dar maraqa kulul oo aad diyaarisay.
Ku dar cusbada maraq qudaarta, kaddibna walaaq.
Ku dar bariiska. Walaaq, dabool ilaa uu ka karo.
Dab gaaban ku kari muddo 10 daqiiqadood.
10 daqiiqo kaddib, si fiican u walaaq. Dabool 10 daqiiqo kale kari.
Midabbada ku dar.
Dabool oo dab aad u gaaban ku kari muddo 5 daqiiqadood.





Faallooyin
128 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Assalaamu Aleikum wa Rahmatullahi wa Barakaatuh,
After soaking the rice for one hour, I had to remove the water because of sudden change of plans today. Can I place the rice in the fridge, then use it tomorrow after I’ve prepared the stock? Or do I still need to continue the soaking for three more hours tomorrow? And is it by the way really necessary to soak the rice this long :)? I’m using ‘RAHMAN RICE, super old basmati sella.’
Sorry for the many questions. I hope you can help me. You have a beautiful website ma shaa Allah!
Thank you for the delicious recipes. Am grateful I found your website. Shico
Thank you very much for your nice comment. We are happy you found our website.
Asc a&l ad iyo ad ayan idin salamaya walala heyga qaliga ah ad iyo adna wad umahad santihin ma aqano Sidan awal kina kugudilahen wayo wax walbo wadna barten Lakin waxan idinka cod sanena hadad nogu sodari kartan bastada ali fornaha wacodsi qer iyo cafimad ayan idin rajenena cimri dher iyo cafimad bdn
Waa ku mahadsan tahay salaanta wacan iyo faallada fiican. Hadduu Eebbe idmo waan soo gelin doonnaa codsigaada. Qayr badan ayaan Ilaahay kaaga baryaynaa.
maa shaa allaah
ilaah ha idiin barakeeyo aqoontiina
waxaana wax ka ogaaday in soomalidu tahay dad ku xeel dheer karinta cunadda oo aan u haystay inay yaqaan canjeelo iyo bariis caano geel lagu daray
kkkk
Waan ku faraxsan nahay fikraddaas aad ka qabtay inaad beddeshay. Waa ku mahadsan tahay faallada wacan.
walaal adoo mahadsan bariis maraqa ma u isticmaali kaara lafo lo’aad xagaad adigu uga isticmaashay lafaha digaaga plz
Waa isticmaali kartaa lafo lo’aad haddadd jeceshahay.