Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Bariis Udgoon
Cuntada rasmiga · Raacis

Bariis Udgoon

English
Aromatic Rice
Français
Riz Parfumé
العربية
الأرز البسمتي بالبهارات

Waxaa qoray · ·

Caafimaadka u roonFiigan (xoolo la’aan)Cagaaryahan 13 mukawin 12 tallaabo Diyaarin 15 daqiiqoKarin 25 daqiiqoWadar 50 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Bariidka si-fiican u dhaq oo ½ saac ha qasnaado.

  2. Yaanyada iyo kabsarada isku-shiid.

  3. Basasha saliidda ku dalac, qorfahana ku-dar.

  4. Maraq dajaajka ku-dar.

  5. Tuunta (toonta) ku-dar.

  6. Xawaashka ku-dar.

  7. Haylka ku-dar.

  8. Yaanyada iyo kabsarada aad shiidday ku-dar oo walaaq.

  9. Filfisha ku-dar haddaad isticmaalaysid.

  10. Biyaha kulul ku-shub.

  11. Bariiska ku-shub, si-fiicanna u-walaaq.

  12. Dabool oo 15 daqiiqo dab yar ku-kari.

Sawirro

Faallooyin

36 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Akarim

    A.c, merci beaucoup Xawaash.

  2. Linda..

    Asalamu aleikum dear brother thanks for the support. allah will reward you insha’llah. could you please help me how to prepare cakes in diffrenent styles. i look forward to hear from you soon insha’llah. thanks again.

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

      Thank you for your prayer. How did you know what we were working on?

  3. caakifa

    waa idin salaamay walaalayaal aasaasayaasha iyo asaxabta aya maskaxdooda kasoo maaxatay abuurista wabseedkaan aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin fikirkaan muhiimka ah ee cunta karis

    1. A&LXawaash

      Eebbaa mahad leh oo nagu dhaliyay fikraddaan kana dhigay wax ay dadka jeclaadaan. Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada wanaagsan iyo hadallada wacan. Ciid Wanaagsan walaal.

  4. BARAKOW

    ASCW . MASHA ALLAHU RUNTII WAXAA AAD ISOO JIITAY QAABKA WANGSAN EE AAD NOGUGU SOO BANDHIGTEEN KARINTA WACAN EE BARIISKA MAHADSANIDIIN

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum assalaam waraxmatullaahi wabarakaatuh,

      Adigaa mahadda mudan walaal. Waxaan rajaynaynaa cuntooyinka kalena inay sidaas oo kale kuu soo jiitaan. Mahadsanid.

  5. naidiya

    ASC, abaayo aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin. mida xigta waxaan jeclahay bariiska kala kariska ah oo la shiilo fadlan sida loo kariyo bariis kala karis manoo soo bandhigi kartiin.

    thanks, nadiya

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum assalaam waraxmatullaahi wabarakaatuh,

      Adigaa mahadda mudan walaal. Hadduu Eebbe idmo waan soo gelin doonnaa bariis kala karis.

Bariis Maraq

Somali Rice Pilaf

Fiigan (xoolo la’aan)Cuntada rasmiga
ENSOFRع