
Maraq Ari
- English
- Lamb Stew
- Français
- weli lama turjumin
- العربية
- مرق لحم غنم
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Maraq Ari
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Xulbad Xulbad Diyaarinta maraqa ariga Digsi dab dhexdhexaad ah saaran saliidda ku shub. Basasha dallac muddo 3 daqiiqo. Ku dar tuunta (toonta), hal daqiiqana shiil. Sanjabiisha ku dar, si fiicanna u walaaq.
Ku dar xulbadda, xawaashka iyo huruudda. Walaaq mid walba markaad ku dartid.
Hilibka ku dar, walaaqna ilaa uu ka gaduuto, muddo 3 daqiiqo.
Yaanyada ku dar ee si fiican u walaaq.
Yaanyo shiishiidka ku dar, kaddibna walaaq. Dabool ha karo muddo 30 daqiiqo.
Bataatada iyo karootada ku dar. Dabool ha karo muddo 20 daqiiqo.
Barbarooniga ku dar, 10 daqiiqo oo kalena kari.
Basbaaska iyo kabsara caleenta ku dar.
Filfisha madoow ku dar, si fiicanna u walaaq. Maraqa kulul canjeero ama soor ku cun.





Faallooyin
37 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
لذييييييييييذه جداً شكرا 🙂
do you guys have instagram account?
I was wondering if you want to make vegetation, what’s the time for doneness?
Masha allah for this blog. I just made this recipe and it was delicious and my Somali husband actually liked something I cooked for a change haha. Thankyou so much for sharing your recipes!!
You have saved my marriage! My husband thinks im a chef! May Allah bless your hands and livelihood x
We are glad to know that, and we are happy we could help. God bless you.
Asc, adbad ugu mahadsantiin
Cuntadana bari hora igu danbaysay wan ubahna
Inan markale arko si an si fican ukarin karo
( xulbad maraq)
Adigaa mahadda mudan.