Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Qooqane Qumbe Leh
Halaqjafle

Qooqane Qumbe Leh

English
Coconut Shrimp
Français
Crevettes Coco
العربية
جمبري بجوز الهند

Waxaa qoray · ·

15 mukawin 14 tallaabo Diyaarin 30 daqiiqoKarin 15 daqiiqoWadar 40 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Shiilidda

Sooska lagu daaranaayo

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Qolofta maqas ku-jar.

  2. Qolofta ka-fiiq, dibkase u-daa.

  3. Middida ku-jeex.

  4. Xididka ka-bixi.

  5. Faraha ku-riix oo ballaari.

  6. Isku-dar tuunta (toonta), sanjabiisha, cusbada, huruudda, babriikada (paprika) iyo filfisha madoow.

  7. Qooqanaha ku-qas.

  8. Rootiga qalalan iyo qumbaha isku-qas.

  9. Ukunta iyo biyaha isku-qas. Waxaad diyaarisaa waxyaaba aad marineysid (sida sawirka).

  10. Dibka adoo haysa, qooqanaha burka mari.

  11. Ukuntana mari.

  12. Rootiga qalalan iyo qumbaha mari oo faraha ku-riix.

  13. Waxaa ku-shiishaa saliid caddeey kuleylkeeda yahay 350°F/190°C muddo 1½ ilaa 2 daqiiqo ama ilaa ay ka-gaduutaan (midab dahabi ah yeeshaan). Waxaa isticmaashaa dab dhexdhexaad ah.

  14. Mayoneeys iyo basbaas Taylaandiga isku qas. Cun inta ay weli kulul yihiin.

Sawirro

Faallooyin

29 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. ducaysane

    waad kumad santahay sidaad iigu sharaxday

  2. ducaysane

    asc.mar hore aad baad umahad santiihin xawaash.com wana kahelay barnamij kiina.waxan idin waydiina qooqane. mawa xuu lamid yahay magaca malayga somalidu dhihi jirtay QUBO.hana ila yaabina wax yabaha bada waa layga badiyaa xitaa bariga marmar mahadsanidiin..

    1. A&LXawaash

      Adigaa mahadda mudan walaal. Dadka qaar qooqane waxay u yaqaannaan qawqab waanna erey Carabi ah قوقب oo Yaman laga isticmaalo. Qubo waxay u egtahay diinka, waxayna ku nooshahay badda.

  3. Ayanie Djibouti

    Asc…

    Merci pour cet incroyable site qui me mets l’eau dans la bouche a chaque fois. Je n’arrete de recommender a mes amies…g vais essayer cette recette Inshallah..

    Merci encore et que Allah vous recompense en khair

    1. A&LXawaash

      Thank you very much for your kind comment. We are happy to here from you, and hope you will like this recipe.

  4. abdikadir

    asalaamu aleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh mar walbo wax cusub ayaan inga bartah Jazaakillaah khayr walaal

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

      Aad ayaa u-mahadsan tahay walaal.

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

Nafaqo

Egg-Stuffed Potatoes

CagaaryahanHalaqjafle
ENSOFRع