
Malaay La Shiilay
- English
- Fried Shark with Caramelized Onions
- Français
- Mpaampa
- العربية
- weli lama turjumin
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Directions
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Basasha shiil ilaa ay ka-gaduudato. Xaanshida jikada (paper towel) saar, saliidda si ay uga baxdo.
Mallaayga dherer u-jar, laftana ka-saar. Isku dar saliidda, tuunta shiidan, cusbada iyo filfisha. Mallaayga si-fiican u-mari kaddibna burka ku-kor shub (labada dhinac).
Dab dhexdhexaad ah ku-shiil muddo lix daqiiqadood. Haddaad isticmaalaysid birta wax lagu shiilo ee korontada (deep fryer), saliidda kulaylkeeda waxaad ku-aaddisaa 365°F. Saxan xaanshida jikada saaran mallaayga saar, saliidda si ay uga baxdo.
Mallaayga saxan saar, basashana korka ka-saar.





Faallooyin
21 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
ASC bt why cant i see the procedure of making the fish i was planning 2 prepare it bt i hv 2 change my plan so do somethig plz thank u love ua website bye
ascww walaalayaal maxaan idinku duceeya aan janadii fardosa aheyn allaahey janadii ha idinku bishaareyo :anigoo yaban oo malay saan u kariyo garan la ayaan inta ka helay kan ilmihii malaaygii waaba deeqi wayey macaan dartii
hada kabacdi ma dhahaayi malayga karintiisa kuma fiicni saa adinkaaban idin heystaa merci merci
Aamiin walaal. Aad iyo aad ayaan ugu faraxnay inaad wada jeclaateen. Waa ku mahadsan tahay faallada iyo ducada wacan.
A.S.C dhamaan bahda Xawash waan idin salaanay, arin baa dhuunta ii taagan Busketi sida loo’sameeyo web, ka waan kawayay, fadlan hadad fikrad iga siin kartaan aad ayaan uga’maqsuudi lahaa.
marlabaad waxaan idin leeyhay Ramadan Kariim hawsha aad noo’haysana sii Jibara.
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Ramadaa Kariim walaal. Soo’da bisteekiga waa kan halkaan guji /recipes/thin-sliced-beef-steak/. Mahadsanid walaal.
aniga xawaash kuuma quuree waxaan ku dhihilahaa u gar gaare iskaabole yurub joogto mahadsanid wax waliba aat noo sameysay .. waxaan kaa sugna malaaykaan video
Waa ku mahadsan tahay faallada.
asc waalaalo aad baan idiin salaamay walaalo noosoogaliya isagoo fiidiyoowa
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Hadduu Eebbe idmo waxaan soo gelin doonnaa malaay la shiilay oo noocaan na aad u isticmaali kartid. Mahadsanid.