
Xalwo Muus
- English
- Banana Halwa
- Français
- Halwa à la Banane
- العربية
- حلوى الموز
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Xalwo Muus
Waxa la dhexgeliyay/kor laga mariyay
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Diyaarinta xalwadda muuska Muuska fiiq, kaddibna digsi teefaal (nooca aan wax ku dhegin) ku rid ee burburi.
Dab dhexdhexaad ku karkari muddo 30 daqiiqo. Walaaq 5 daqiiqo walba.
Ku dar sokorta iyo buurada la dhalaaliyey.
Kari muddo 10 daqiiqo, si joogta ahna u walaaq.
Haylka ku dar, kaddibna kari muddo 2 daqiiqo.
Sideeda qaaddo ku cun ama kuuskuus. Haddaad rabtid, laws dhexda ka geli. Korka waxaa ka marisaa, laws shiidan ama sisin, ama qumbe la xoqay ama budo shukulaato macaan.





Faallooyin
12 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Thank you for your effort in presenting the Bravanese Somali recipe to the world. I just wanted to comment on one information in this post.
You said:
“The halwa was not shaped into balls but was made into a big chunk and everyone would rip a piece off of it.”
This was not the case in our bravanese house, they were actually shaped into balls but not coated.
Thank you again,
Thank you very much for your comment. We wrote the information based on our personal experiences; we understand others might have different experiences. Thank you very much for sharing that information and we hope you will give us your input on other aspects of Bravanese culture.
as bahda xawaash waa mahadsan tihiin,
moos markuu biseelka ka bato waa tuuri jiray hada wax baan ka faaiday.. tuuris ma jirto
qeer ilaahay ha idin siiyo. maalmahan wax csub masoo gelisaan maxaa dhacay holidY MAA AADEEN?
wa bilaahi towfiiq
Adigaa mahadda mudan walaal. Waan ku faraxnay inaad ka faa’iidaysatay soo’daan. Mashruuc ayaan ku mashquulnay, hadduu Eebbe idmo waan soo gelin doonnaa. Mahadsanid.
Asw aad ayaan idin salaamay bahda xawash.com.
Sxb yaal waxa jira waxooga kala duwanaan yar oo xagga lahjadda afsoomaaliga ah. Matalan BUR=daqiiq
DOOLSHE=keeg
marka idinko mahadsn noo tix geliya kala duwanaanta yar ee erayda
Hadduu Eebbe idmo waxaan samayn doonnaa bog ku saabsan ereyada cunto kariska ee lahjadaha kala duwan ee af-Soomaaliga. Mahadsanid.
Assalamo alaykum. That looks so yum and easy to make ! But if I want to make it more healthy, can I use coconut oil instead of butter, and raw organic sugar instead of white sugar ?
Thank you. Ramadan kareem.
Celmah
Yes, you can use any type of oil and sugar you like.
Waa nooc cusub iyadana laga war doona waaye insha Allah
Waxaan rajaynaynaa inaad jeclaatid. Mahadsanid.