
Muufo Soomaali
- English
- Somali Corn Flatbread
- Français
- Galette de Maïs Somali
- العربية
- خبز التنور – الميفا
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Waxaan aaminsannahay in erayga muufo uu asalkiisu ka yimid af-Carabiga. Taas waxaa ka arkaysaa magacyada kale Carabta ay u yaqaanaan tinnaarta تنور sida erayga moofa موفا, iyo miifa ميفا. Carabta waxay muufada u yaqaanaan خبز الموفا oo micnihiisa yahay rootiga tinnaarta. Soomaalida waxay u soo gaabiyeen muufo. Taas waxaa kaloo kuu cadeynaysa in waqooyiga Soomaaliya rootiga lagu dubo foornada loo yaqaanno furun. Erayga furun فرن waxaa laga keenay foornada rootigaas lagu dubay.
Tinaarta waxaa laga samayn jiray dheri dhoobo ah oo dhulka la gelin jiray. Tinaarta qoryo ayaa lagu dhex ridi jiray, kaddibna waa la shidi jiray. Markay kululaato, maro la kuusay oo xoogaa qoyan ayaa lagu tirtiri jiray meesha muufada lagu dhejinaayo. Ujeeddada waxay ahayd wixii dambas ah in laga tirtiro si uu cajiinka tinnaarta ugu dhego oo aysan muufada u soo dhicin. Hadday muufada tinaarta ku dhex dhacdo, muufadaas lama tuuri jirin oo dambaska uun baa laga jafi jiray. Dubista muufa tinnaarta waa hawl adag oo u baahan adkaysi badan.
Muufo tinnaarta laguma dari jirin qamiir, sidaas darteed muufada ma fuuri jirin. Cajiinka marka la soo shiido horay ayaa laga dubi jiray. Reer Baraawaha waxay muufada noocaas u yaqaanaan mandhaa kudirsha oo micnihiisa yahay muufo la boobsiiyay ama muufo ka gaarsiis ah. Muufa Baraawaha waqti badan ayay qaadataa oo waxaa la sugaa ilaa ay ka qamiirto, markii la dubana way fuurtaa.
Muufo tinaarta waxaan ka samaynay bur galleey cad. Marka uusan inoo oolin bur galleey cad, waxaan makiinad ku shiidnaa badarka soor galleeyda.
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Muufo Soomaali
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Diyaarinta muufada Mukawinaadka baaquli ku shub.
Si fiican isku qas. Dabool, cajiinka ha qamiiro muddo hal saac.
Gacmaha biyo ku qoy, kaddibna hal sacab oo cajiin ah soo gooso.
Cajiinka waxaad u kuusta wareeg, kaddibna bir aad kululeysay dhexdeeda saar.
Cajiinka fidi farahana ku mudmud.
Dabool oo dab dhexdhexaad ah ku dub muddo 3 daqiiqo.
Muufada dhinaca kale u geddi, kaddibna muddo hal daqiiqo kale dabool la’aan dub.





Faallooyin
27 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Ok insha Allah. Thank you so much
Asc. I like everything in this website masha allah. I have question on how u make regular muufo using corn meal and thnx
I’m talking about the one in oven
We will post a recipe, God willing.
U jawaabaya Muneera Ahmed
We understand what you mean.
Masha allaaaaah Thnz A&L waxan idinka codsan laha inaad so galisaan suugadaas qurxoon e aad muufada u sameyseen
Waa soo’daan /recipes/lamb-stew/. Hilibka ari hilib lo’aad ayaan ku beddelnay.
Salaam,
I tried to make this recipe but for some reason it was not the same consistency as yours did you add more water? i used the same measurement you used but it didn’t come out that way. I remember watching my mom make muffo but she always used more flour then white corn flour. Please let me know what i am doing wrong.
JazakAllah
Shukran I appreciate .