
Canjeero
- English
- Somali Anjero
- Français
- Anjero Somali
- العربية
- weli lama turjumin
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Diyaarinta khamiirka bilowga ah
Isku dar bur masagada, burka galleyda cad, khamiirka (yeast-ka), iyo biyo diirran. Si fiican isku qas, kadibna u daa saacad si khamiirku u shaqeeyo oo isku-darku u qoyaado.
Diyaarinta cajiinka canjeerada
Khamiirka bilowga ah ku dar burka is-kiciya (self-rising), sonkorta iyo biyaha. Haddii aad gacanta ku qasayso, biyaha si tartiib ah oo qayb-qayb ah ugu dar si aanu buro u samaysan. Waxa kale oo aad isticmaali kartaa blender, mashiinka cuntada, ama qasaha korontada ee gacanta.
Marka aad cajiinka si fiican u qasto, u daa ugu yaraan laba saacadood si uu u khamiiro. Khamiirintu waa lagama-maarmaan si canjeerada u yeelato dhadhankeeda dhabta ah.
Haddii aad jeceshahay canjeero dhanaan badan, cajiinka u daa wakhti dheeraad ah, xitaa habeen oo dhan. Waxa kale oo aad cajiinka gelin kartaa qaboojiyaha oo aad haysan kartaa laba maalmood.
Dubista canjeerada
Uma baahnid digsi gaar ah si aad canjeero u dubto. Digsi kasta oo aan waxba ku dhegin (non-stick) wuu ku filan yahay. Kaliya hubi in canjeeradu ay ka yar tahay ballaca digsiga si ay u fududaato in la saaro canjeerada bislaatay. Mar-mar digsiga ku tirtir warqad jikada oo saliid yar lagu qooyay.
Digsi aan waxba ku dhegin dul saar dab dhexdhexaad ah. Malqacad weyn (ladle) ku shub cajiinka canjeerada digsiga. Inta aad shubayso waxay ku xidhan tahay cabbirka digsiga iyo cabbirka canjeerada aad rabto inaad samayso.
Adigoo malqacadda wareejinaya, cajiinka ku fidi digsiga, sidii adigoo malqacadda ku sawiraya wareeg duuduuban.
Canjeerada dub ilaa cajiinka oo dhan uu engego. Soomaalidu inta badan digsiga way daboolaan marka ay canjeero dubayaan, taasina waxay yaraysaa wakhtiga dubista. Hase yeeshee, wax farqi ah kuma aanu arag canjeerada markii aanan digsiga daboolin. Intaa waxa dheer, haddii aan digsiga la daboolin way fududahay in la arko marka canjeeradu bislaato.
Habka B
Isku dar dhammaan walxaha oo si fiican isku qas, adigoo hubinaya inaanay cajiinka ku jirin wax buro ah. Cajiinka u daa ugu yaraan laba saacadood si uu u khamiiro. U dub sida kor ku xusan.
Habka C
Isku dar dhammaan walxaha oo si fiican isku qas, adigoo hubinaya inaanay cajiinka ku jirin wax buro ah. Cajiinka u daa ugu yaraan laba saacadood si uu u khamiiro. U dub sida kor ku xusan.





Faallooyin
99 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
I love your foodblog and your YouTube channel, it’s amazing! In 2013 I was touched by the Somali culture, cuisine and kind people. I am glad I found this website so I can learn more about your cuisine and make more amazing recipes.
Love from the Netherlands :))
Salam wa alaikum,
I tried receipe B and it’s very sticky on the top like mushy. How can I stop that and can I add more corn flour to the same batter?
Really appreciate your response.
Hello and thank you for this wonderful recipe, thank you for making this my kids will be happy today when they come home from school and smell this wonderful bread. Can you please tell me the name of the dish above the stew picture. It’s sliced meat with green specks on top. It’s looks very good I would like to make it but I didn’t know the name of the dish.
Asalaamu Alaykum,
Thank you for this recipe and so many others. I am married to a Somali and it’s helped me make so many of his favourite dishes. Do you know if there is a gluten free replacement for the self-rising flour. Canjeero used to be my husbands favourite but he can no longer have gluten. What would the quantities/ratios of the flours be if there is a replacement?
Jazakallah Khair!
I wanted to know if you have recipe for canjeelo for people who need to avoid gluten. Thank you