
Kabaab
- English
- Meatballs
- Français
- Boulettes de viande
- العربية
- كور الكفتة
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Waxaa isticmaali kartaa rooti kasta oo jilicsan Diyaarinta rootiga Dhinacyada ka-jar.
Jeex walba afar gabal ka-dhig.
Rootiga biyaha ku-qoy.
Hilib lo’aad oo caddiin lahayn Waxa laga sameeyo kabaabka oo laysku daray Diyaarinta kabaabka Isku-dar hilibka, basasha, tuunta (toonta), baqduuniska, ukunta, cusbada, filfisha madoow iyo babriikada (xawaash ayaa ku-beddeli kartaa).
Ku-dar rootiga la-qoyay.
Si-fiican isku qas. Wax badan ha-qasin. Qasidda badan kabaabka ayay adkaysaa.
Hilibka kuuskuus. Si uu kabaabka u-jilicsanaado, tartiib u-kuuskuus.
Ka-sameey 32 kabaab.
Birtaawo ku-shiil adigoo isticmaalaysa dab dhexdhexaad ah.
Shiil muddo 8 ilaa 10 daqiiqo. Haddaad waaweynsid, muddo ka-badan shiil.
Gedgeddi si ay u-wada gaduutaan.
Shiil ilaa ay ka-gaduutaan oona bislaadaan.
Hilibka oo la qasay Waa u diyaar in la-shiilo Haddaad rabtid inaad goor dambe shiilatid, qaboojiyaha ama barafka geli Kabaab Kabaab Shaah Soomaali Waxaa dhahdaa koobka kaa-jare Hadduu qof kaaga hormaro koobka ugu-dambeeya, ha-ka walwalin. Tartiib garabka ka-taabo, waxaana ku-dhahdaa, “Kaa-jare.”





Faallooyin
57 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Assalamu alaikum,
That looks like a delicious sauce to go with the meatballs! What is the bread that they are on top of which looks like a tortilla?
Asselamu Aleykum
It is me again. I loved this recipe but I prefer to bake it. So is it possible to bake it? If so for how minute and degree?
Thank you.
Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
Thank you for the question. You can bake them at 400°F/204°C for 25 to 30 minutes or until browned and cooked through. Baking time will change if you make bigger meatballs.
asc walaalayal ad iyo ad ayad uu mahadsan tihin sida wnagseen oo quruxda badan oo nogu so dhigteen cuntada macaan( naago badan oo nimankooda qadada uso donaan jirin aya marki web kan la bartay nimankoda guuriga ka bixi la yihin hhhhhh waa kaftan halahs ha la iga raali noqdo insha allah illah ha idiin barakeyo gacantiina iyo aqoontiina
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Waan ka helnay faalladaada. 🙂 Aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay.
asc, anigana miss dacwo lee ahay meatballka markii aan fiirsanay uu dhamaadka sii yahay filmka sawirka sarta dheer noogu badala wax ka quruxbadan waa masaajidkii allaah halka uu kayahay kaniisad ama church indhaha majeclaanayaan intaas qeyr allaah ku siiyo walaalahey…iskana dulqaata adiankaa comment noo furay e wabilaahi towfiiq
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Asxaabta nabigeena NNKH kaniisadda indhahooda ma dhibi jirin mana dumin jirin sida waddankeenna hadda ka dhacday. Sawirkaas wuxuu adduun weynaha u caddeynayaa inay Soomaalida wax garad yihiin oona aaminsan yihiin لكم دينكم ولي دين.
maansha allah website kaan waa lagu dirsaday afkagag hooyo oo wax lagugu shegaayo shaqsi ahantayda waan ku faraxsananahay aan kheyr idin rajenya an
Mahadsanid walaal. Waan ka helnay faalladaada. Ilaahay qayr ha ku siiyo.