Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Maraq Moos Bukiini
Cuntada rasmiga

Maraq Moos Bukiini

English
Somali Plantain Stew
Français
Ragoût de Plantains à la Somali
العربية
مرقة بموز الجنة

Waxaa qoray · ·

16 mukawin 21 tallaabo Diyaarin 20 daqiiqoKarin 1 saac 15 daqiiqoWadar 1 saac 35 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Waxyaabaha kale ee loo baahan yahay
  2. Yaanyada fiiq oo yaryareey
  3. Diyaarinta maraqa
  4. Basasha dallac muddo 3 daqiiqo, kaddibna tuunta ku-dar. Hal daqiiqo isku-shiil.

  5. Xawaashka iyo huruudda ku-dar.

  6. Hilibka ku-rid digsiga. Maraq qudaarta Vegeta iyo filfisha shiidan ku-dar. Afar daqiiqo kari intaadan yaanyada ku-darin.

  7. Basbaas cagaarka ku-dar (waa ka-dhaafi kartaa). Yaanyada ku-dar.

  8. Biyaha kulul ku-dar.

  9. Dabool oo dab dhexdhexaad ah ku-kari muddo ½ saac ah.

  10. Moos bukiiniga iyo barbarooniga cagaaran ku-dar.

  11. Dabool oo dab dhexdhexaad ah ku-kari muddo ½ saac ah.

  12. Kabsaro caleenta jarjaran ku-dar oo dabka ka-dhemi. Waxaad ku-cuni kartaa bariis (soo’da hoos ayay ku-qoran tahay), soor, canjeero, ama sabaayad.

  13. Maraq Moos Bukiini
  14. Bariis kuuskuusan (Kaalroos)
  15. Diyaarinta bariiska
  16. Bariiska 3 goor dhaq laakiin biyo hala-dhigin.

  17. Markay biyaha karkaraan, ku-dar maraq qudaarta Vegeta.

  18. Ku-dar saliidda oliifada, kaddibna si-fiican u-walaaq.

  19. Bariiska ku-shub.

  20. Marka uu soo karo, si-fiican u-walaaq.

  21. Dabool oo dabka ugu gaaban ku-kari muddo 13 daqiiqo.

  22. Moos Bukiini
  23. Xawaash iyo maraq qudaar Vegeta
  24. Moos bukiini la-mariyay Xawaash iyo maraq qudaar Vegeta
  25. Diyaarinta moos bukiiniga la-shiilay
  26. Moos bukiiniga fiiq.

  27. U-jar gaballo buurnidooda tahay ½” ama 1¼ cm.

  28. Moos bukiiniga oo jarjaran.

  29. Ku-dar Xawaashka iyo maraq qudaarta Vegeta. Si-fiican u-wada mari.

  30. Dab dhexdhexaad ah ku-shiil. Dhinaca koowaad 2 daqiiqo shiil, kaddibna dhanka kale u-rog.

  31. Dhinaca labaad 1½ daqiiqo shiil. Xaanshiyaha jikada (paper towels) saliidda uga saar.

Sawirro

Faallooyin

32 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. LUULA

    ASC. Waad mahad santihiin sida wanaagsan oo aad nooga haqab tirteen karinta cuntada. Moosbukeeni caanaha qunbaha&subag iyo sokor lagukariyo unbaan aqiinay,waan idinka faa’iidnay A&L. XAWAASH waxbadan ayuu kabedelay cuntoo yinka laga cuno guryaha SOOMAALIYEED.Jisaakumallaah.

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Adigaa mahadda mudan walaal. Waan ku faraxnay inaad jeclaatay. Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada wacan.

  2. Zaynab

    Assalamu Calaykum,

    This is a great recipe! I have a request, can you all add a recipe for maraq that goes with white rice?

    Waad Mahadsintiheen. Jazakumullahu Khayran.

    1. A&LXawaash

      Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.

      How did you know that our next recipe is Maraq (stew) that is great with white rice. We will try to find the spy who let out the secret. 🙂

  3. omer

    asallamu calaykum walaalayaal, waad ku mahadsantihiin cinwaanadaan faaidada leh oo aan dareemi karo waqtiga iyo kharajka aad galiseen, alxamdulilaah fursad ayey ii tahay inaan arko markii iigu horeysay web cuntada somaliga ka faaloonayo, markale waad mahadsantihiin wlaalayaal.

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Adigaa mahadda mudan walaal. Waan ku-faraxnay hadalada wacan iyo faallada fiican. Waxaan rajaynaynaa inaad ka-faa’iidaysatid Xawaash. Aad iyo aad ayaa u-mahadsan tahay.

  4. xawa

    maansha alah ilahay ajar haidika siyo wabsit kan wax badan aan ka faiday waxan islaha waxa tagan cuno karis la kin markan arkay wabsitkan waxba ma aqan jasaka lah waxa samaysan wax habaysan oo casre ah waxan idin oran lahaa book kasamaya aan gadano bookgu waa noo oolayaa idinka na wexe idinka baxay si ay idinku so nogdan waa mahadsan tehin

    1. A&LXawaash

      Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada iyo dhiira gelinta. Hadduu Eebbe idmo waxaan ku-tala jirnaa inaan sameyno e-book. Ilaahay waxaan kaaga baryaynaa qayr badan oo aan dhammaan. Mahadsanid.

  5. Safiye

    Slc aad ayaanu uga helnay sida fiican ee aad nogu fahfahisan .aad Ayad ugu mahadsantahin .cimridherer iyo cafimaad ayan ilahay idinka rajeenaya. Waxan ilahay ka baryaya in somalidu ay sidan o kale waxi ilahay baray dadkoda oga faaideeyan .waxad wax no barten dhalinyaradi ilahay

    ha idin dayo halka ka si wada .

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

      Waa ku-mahadsan tahay hadalada wacan iyo ducada wanaagsan. Waxaan kuu rajaynaynaa qayr iyo farxad.

Bariis Maraq

Somali Rice Pilaf

Fiigan (xoolo la’aan)Cuntada rasmiga
ENSOFRع

Biryaani

Fail-proof Biryani

Cuntada rasmiga
ENSOFRع

Maraq Ari

Lamb Stew

Cuntada rasmiga
ENSOFRع