
Doolshe Karooto
- English
- Carrot Cake
- Français
- Gâteau à la Carotte
- العربية
- كيك الجزر
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Doolshe Karooto
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Diyaarinta doolshaha karootada Karootada si fiican u xoq.
Isku shaqshaq burka, beekin bawdarka, beekin soodaha, cusbada, qorfaha shiidan, haylka shiidan, budada sanjabiisha iyo buhaarka “allspice” oo shiidan.
Ku dar sabiibka la jarjaray iyo qumbaha shiidan, kaddibna si fiican isku qas.
Isku dar sokorta cad, sokorta madoow, saliidda, ukunta, bishirka oranjada iyo faniillada, kaddibna si fiican u qas.
Cananaaska biyaha ka miir, kaddibna si fiican u shiid. Mukawinaadka qoyan ku dar cananaaska shiidan iyo karootada xoqan, iskuna qas.
Mukawinaadka qalalan iyo kuwa qoyan isku dar, kaddibna si fiican u qas.
Cajiinka ku shub bir doolsho 9½” (24 cm) oo xaanshi foorno la saaray kaddibna burcad (buuro) la mariyay.
Ku dub foorno la sii kululeeyay 380°F/193°C muddo 45 daqiiqo.
Haddaad rabtid mari Kareemo Farmaajada.





Faallooyin
15 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Shukran Leila & Abdullahi sida aad marwalba ugu dadaashaan inaad bulshada wax wanaagsan usoo gudbisaan, waxaan idiinka codsanaa sida cream cheese frosting aad u diyaariseen inaad noo soo gudbisaan. Markale aad ayaan idiinku bogaadina shaqada wanaagsan ee aad bulshada u haysaan.
Waa ku mahadsan tahay hadalada wacan. Soo’da waa tan /recipes/cream-cheese-frosting/.
Asc Ramadaan kariim abaa inaan sameeyo keeg ama doloosho aad u fudud maxaan sameeyaa ma garaanaayom sida loo sameeyo keega
Midkaan isku day /recipes/pear-cake/. Waxaan rajaynaynaa inuu kuu sahlanaado.
wonderful.. I like your way for cooking.. Good Luck & God Bless you
Thank you very much. Ramadan Kareem.
looks like a gorgeous carrot cake!
Thank you!
Hi Leila and Abdullahi,
I discovered your blog by accident and believe it or not it’s one of my favourite food blogs. I have tried several of your recipes and they have turned out really good.I really appreciate your efforts in making the recipes easier for people who are new to cooking. I am gonna try this carrot cake recipe for the next weekend.
Thank you.
Lisa”.
Hi Lisa,
Thank you very much for taking the time to comment. We are so glad you have found us, and happy to hear that our recipes are working for you. This carrot cake is one of our favourite cakes. We made it for a family gathering everyone loved it, including our 4 year old niece; she even asked for a second piece. We wish all the best.