
Buskud Linsar
- English
- Linzer Cookies
- Français
- Biscuits Linzer
- العربية
- كعك لنزر
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Buskud Linsar
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Diyaarinta buskudka Sokorta iyo buurada garaac muddo 5 daqiiqo. Ukunta ku dar, kaddibna sii garaac.
Ku dar beekin bawdarka, cusbada, qorfaha shiidan iyo faniilada. Si fiican u qas.
Ku dar lawska shiidan iyo burka, kaddibna qas.
Cajiinka afar qaybood u qaybi.
Miiska maro qoyan mari (bacda inay dhaqaaqin). Cajiinka laba bac dhexdooda ku fidi. Dhumucda ha le’ekaato 1/8″ (1/2 cm). Barafka geli muddo 10 daqiiqo.
Cajiinka qaabka aad jeceshahay u jar. Nus ka mid ah kor ka duleeli. Ku dub foorno la sii kululeeyey 350°F/177°C muddo 12 -14 daqiiqo. Dhig ha qaboobaan.
Buskudka aad hoos dhigeysid, mari malmalaaddo ama shakulaato Nutella.
Buskudka aad kor saaraysid sokor shiidan ku shub.
Labada buskud isku dheji. Isla maalintaas qaddin. Buskud malmalaaddada ayaa jilcin doonta.





Faallooyin
22 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Please make oatmeal raisin cookies and coconut cookies. They are my favorite and I would love to learn how to make them. Thanks.
We added your requests to our to do list and God willing, we will make them. Thank you for your comment.
asc wrwb waan idin salaamey. waan idiin mahada celinaya abaayo waxaan rabeye buskud kaan markaad sameenesey mu ahaa alumad aad ku dartey? oo xawaasha iyo fixasada aheen asc
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Adigaa mahadda mudan. Almondka waa nooc ka mid ah noocyaha looska. Haddaadan heli karin looska caadiga ayaa isticmaali kartaa.
Asalaamu Calaykum, aad ayaan idiiinku mahad celinayaa Cabdulaahi iyo Layla. waxaan umalaynayaa inaad ilowdeen qiyaasta burka. Ingredients bur kuma jiro directionkana waxaa ku jira burka ku dar. madsanadiin mar labaad.
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Waa laga hilmaamay! Aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay. Ilaahay qayr ha ku siiyo.
masha’alah wasfa katiir xilwa wa sahla jidan, wlh xabeeyt!! jazakumulahu kheyr, ciidakum mubarak, kulu sana wantum deyibiin.
الف شكر اختنا العزيزة، كل سنة وانت بصحة وسلامة، اعاده الله علينا باليمن والبركات
ciiiiid mubaaarrak walaalaheyga qaaligoow dhamaantiin waamahadsantihiin marlabaat ciiid wanaagsan ciiidaan ciideed salaamah allaah hanagugaarsiiyo jazaakallaahu kheyrakum
Aamiin. Mahadsanid walaasheenna qaaliga ah. Waan ku faraxnay hambalyada iyo ducada.