
Bur Tufaax
- English
- Apple Fritters
- Français
- Beignets aux Pommes
- العربية
- فطائر التفاح
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Bur Tufaax
Iidaan sokor
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Diyaarinta bur tufaaxa Mukawinaadka qalalan isku dar, kaddibna isku qas.
Ku dar ukunta, caana fadhiga iyo biyaha. Si fiican u qas.
Tufaaxa la jarjaray ku dar, kuna u qas.
Saliid caddeey ku shub bir dab dhexdhexaad ah saaran. Qaaddo weyn cajiinka ku soo qaado, kaddibna saliidda kulul cajiinka ku shub. Shiil muddo 3 daqiiqo. Geddi, kaddibna muddo laba daqiiqo shiil ilaa uu burka ka gaduuto.
Isku dar sokorta shiidan iyo biyaha, si fiicanna isku qas.
Iidaanka sokorta burka la shiilay ku kor shub.





Faallooyin
18 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
asc wr wbr walalyaal waxaan hore indinkaga codsadey in aad hadii ey macquultahay mar nosoo galidaan croissant rotigaas laga cuno meelaha kafeeya cadaan waa mahadsan tihiin
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Liiska ayaan ku darnay, hadduu Eebbe idmona waan soo gelin doonnaa.
maansha allah qeyr aan lasoo kobikarin allah hadin siiyo sifiican oo waadix ah ayaa noku fiideysaan wwax badan ayaan idinka bartay wlhi wabkiina mar walba waan ku xiranahay hadii ad awoodaan walalyaan waxaan jeclanlahaa in aad mar nosoo galidaan rootiga kafee lagu cabo meelaha cadaanka magaciisa waa croussant
jisakalahu qeyr
Asc walaal. Waxaa ku noo lahay Sweden bahda Xawaash waxaa kor uqaadeen cuntada somalida iyo kuwa kaleba. Jazakallah wax aad iyo aad ubadan baa idinka fa’idey. Ilaahey miisaanka hadiin saaro. Aad iyo aad baa mahasantihiin. Xawaash hanoolaado!
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada qiimaha iyo qaayaha leh. Waan ku faraxnay wax badan. Adigana qayr badan Ilaahay ha ku siiyo.
aslamu alekum, i would like to thank you both for taking the time to put all these amazing videos together. you have no idea how much i enjoy your blog. I’m obsess with it. okay my question is can i use a flavoured yogurt? and do you add the icing sugar while hot?
thank you for all you do for us 🙂
Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
Thank you very much for your kind words. We are happy to know that you like the blog.
Yes, you can use flavoured yogurt. Wait for them to cool down a bit before adding the icing.
asc jzka sister i really loved it before trying what can substitute with the egg in our household we have egg allergy!!!
Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
Thank you for your comment and question. You can increase the baking powder to 2 teaspoons.