Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Doolshe Buuro 2
Doolsho · Macmacaan

Doolshe Buuro 2

English
Butter & Yoghurt Cake
Français
Gâteau au Beurre et au Yaourt
العربية
كيك الزبدة والزبادي

Waxaa qoray · ·

Cagaaryahan 11 mukawin 9 tallaabo Diyaarin 25 daqiiqoKarin 1 saac 15 daqiiqoWadar 1 saac 50 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Doolshe Buuro & Caano Fadhi

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Foornada sii kululeey, ku aaddi 350°F/177°C.

  2. Burka shaqshaq.

  3. Buurada iyo sokorta garaac muddo 5 daqiiqo haddaad makiinad isticmaaleysid, ama 10 daqiiqo haddaad gacan ku garaacaysid.

  4. Ukunta hal hal ugu dar, si fiicanna u qas.

  5. Markuu cajiinka si fiican u qasmo, beekin baawdarka iyo caana fadhiga ku dar. Si fiican u qas. Ku dar heylka iyo cusbada (haddaad isticmaalaysid).

  6. Burka ku dar si fiicanna u qas. Sabiibka iyo burka isku qas kaddibna ku dar. Si fiican u qas.

  7. Bir doolshe cabirkeeda yahay 16″x4″x4″ ama laba bir cabirkooda yahay 8½”x4½” buuro mari. Haddaad isticmaalaysid xaanshida foornada dhinacyada keliya buuro mari.

  8. Foorno la sii kululeeyey ku dub 350°F/177°C muddo hal saac iyo rubi ama ilaa uu ka bislaado.

  9. Doolshaha dhig ha qaboobo muddo 10 daqiiqo intaadan ka bixin birta.

Sawirro

Faallooyin

51 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. hussein

    walaal ada baad waxan ii kordhesaya walaal wada mada sanatahay

  2. shuu shuu

    Asc walal waxan rabay in an ogado marki la sameyo cake fridge miya la galina mase bananka wa la dhigi karaa

    1. A&LXawaash

      Haddii labo ilaa saddex maalmood lagu cunaayo banaanka waa dhigi kartaa. Haddii kale qaboojiyaha iska geli.

  3. tim chan

    hi ,may i know any recipe for how somalian make the yogurt drink? thank you.

  4. ifrax

    ascwrwb waxaa rabaa adoo mahadasan sida loo sameeyo nafaqada iyo keega wladoo mahadad san

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Hadduu Eebbe idmo nafaqo waan soo gelin doonnaa. Keega ma fahmin waxa aad ka waddo. Mahadsanid.

  5. Umalkhayr

    LOVE your blog maashaa-Allaah reminds me of the motherLAND with a remix….!!!!

    1. A&LXawaash

      Thank you very much. Your comment is appreciated.

Bur Tufaax

Apple Fritters

CagaaryahanMacmacaan
ENSOFRع
Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

2 Doolsho Soomaali

2 Sponge Cakes

CagaaryahanDoolsho
ENSOFRع

Meeso

Meso

CagaaryahanMacmacaan
ENSOFRع