Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Maash Bataato Macaan
Raacis

Maash Bataato Macaan

English
Sweet Potato Mash
Français
Purée de Patate Douce
العربية
بوريه البطاطا الحلوة

Waxaa qoray · ·

Caafimaadka u roonFiigan (xoolo la’aan)Cagaaryahan 15 mukawin 12 tallaabo Diyaarin 15 daqiiqoKarin 20 daqiiqoWadar 35 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Ayeeyo Ceebla ayaa bataatada (baradhada) macaan beeran jirtay. Waxay ii ahayd ayeeyo labaad, waxayna ahayd reer miyi oo magaalo soo degtay. Meel kasta ay aaddo way la qabsan jirtay, dhibaato kastana way ka hor tagi jirtay. Aniga kuma soo gaarin laakiin waxay iga mudan tahay ixtiraan iyo qaddarin. Sideen u ixtiraami karin qof baaddiye ku dhalatay kuna kortay oo markay magaalada timid horey kala qabsatay, beerna falatay inay nolosha reerkeeda ku wanaajiso?

Hooyo markay cunto inoo kariso, waxay inoo sheegi jirtay sheeko. Sheekooyinkaas waxay badi ku saabsanaayeen nolosheeda markay yareed. Waxay inooga sheekeysay in ayeeyadeed Ceebla ay wax beeri jirtay markay Wardhiigley degganaayeen. Hooyo iyo abtigay oo markaas aad u yaraayeen ayaa ayeeyo kaalmeyn jireen oo abuurka dhulka ku ridi jireen. Ayeeyo Ceebla waxay beeri jirtay bataato macaan, digir, qare, yaanyo iyo galleey. Wixii reerka ka batana, waxaa la siin jiray deriska. Waagaas dhulka wuu iska bannaanaa, dadka badidoodna waxbay beeran jireen.

Annagana gurigeenna deedkiisa ayaan wax ku beerannaa, annagoo raacayna tusaalihii ayeeyo Ceebla. Qurbaha kuma aynaan arag Soomaali wax beeranaysa, hadday jiraanna aad ayay u yar yihiin. Cudurdaarrada way fara badan yihiin, dhibaatooyinka qurbahana ma yare, laakiin ayeeyo Ceebla dhibaatooyinka soo foodsaaray kama aysan reebin inay wax qabsato. Waxay kasoo qaxday baadiyaha Eyl waqtiga Sayyidka, waxayna u lugaysay magaalada Xamar. Wuxuu ahaa safar 1,000 kiloomitir ka badan wuxuuna ku qaatay sagaal bilood. Safarkaas ayadoo ku jirta, ayaa waxay geed hoostiisa ku dhashay ayeeyaday Isniino Cigaal Xirsi. Kaddib waxay gaartay magaalada Xamar ayadoo waxba heysan. Waxay ku bilowday inay dadka qoryaha iyo cawska u qaaddo ilaa ay reerkeeda dejisay iskuna filnaadeen. Awoowe Cigaal oo ay kala habaabeen, ayay sanado kaddib Xamar isku arkeen.

Ayeeyo Ceebla bataatada macaan biyo ayay ku karin jirtay, reerka ayayna casho uga dhigi jirtay. Cashada waxay badi ahaan jirtay cambuulo, maalinta bataatada la sameeyana cambuulada ayaa laga nasan jiray. Waxaa kaloo ay biyo ku karin jirtay qaraha aadka u yaryar, oo ay hooyo xasuusato inuu aad u macaanaa.

Sheekooyinka nalooga sheekeeyay ayeeyo Ceebla kuma koobnayn dhibatooyinka ay la kulantay. Sheekooyinka aan aadka u jeclaa waa kuwa ku saabsanaa farxaddeeda iyo sida ay caweyska u jeclayd. Waxay ahayd qof jecel hees iyo ciyaar. Baaddiyaha habeenkii ayaa ciyaar laysugu soo bixi jiray oo gabdhaha ayaa durbaan soo qaadan jireen. Haan afkeeda intay maqaar saaraan, dhinacyada ka jiidaan, ayay kaddib xarig ku xiri jireen. Markay durbaanka garaacaan ayaa dhalinyarada soo bixi jireen, dheeshana meeshaas ka bilaaban jirtay. Haweenka xaasaska ah kama aysan qayb gali jirin ciyaartaas.

Xamar markay timid, kama aysan harin ciyaarta iyo heesaha. Waxaa lagu dhihi jiray, “Meesha isaga tag intuusan Cigaal ushiisa la imaanin!” Ayadoo ciyaaraysa ayay ku jawaabi jirtay:

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Maash Caafimaad Leh

Maash Nafaqeysan

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Bataato (baradho) macaan
  2. Diyaarinta maashka caafimaadka leh
  3. Bataatada (baradhada) fiiq, kaddibna u jarjar qiyaas 1″ (2.5 cm). Digsi ku rid, biyahana ku dar.

  4. Dabool oo dab dhexdhexaad ah ku kari muddo 15 daqiiqo ilaa ay ka bislaato.

  5. Maraq qudaarta ku dar. Waxaa ku beddeli kartaa maraq digaag.

  6. Ku dar kabsaro caleenta, tuunta la kariyay, iyo basbaas kaayeen. Haddaadan basbaas jeclayn, waxaa ku beddeli kartaa filfil madoow oo shiidan.

  7. Bataatada si fiican u burburi. Haddey adkaato xoogaa maraq ku dar. Ha isticmaalin khallaad (blender)! Bataatada wuxuu ka dhigaayaa dhegdheg aan la cuni karin.

  8. Ku rid weel foornada la gelin karo. Saliid yar korka uga shub, kaddibna foornada ku gaduudi muddo 15 daqiiqo. Bataatada waa la cuni karaa aydoon la gaduudinin.

  9. Maash Bataato Macaan
  10. Diyaarinta maashka la nafaqeeyay
  11. Bataatada (baradhada) fiiq, kaddibna u jarjar qiyaas 1″ (2.5 cm). Digsi ku rid, biyahana ku dar. Dabool oo dab dhexdhexaad ah ku kari muddo 15 daqiiqo ilaa ay ka bislaato.

  12. Ku dar buurada, farmaajada kareemada leh, cusbada, sokorta, iyo filfisha madoow.

  13. Ku rid weel foornada la gelin karo. Isticmaal kiishka qurxiska (decorating bag) iyo dublad (decorating tip). Haddaad doontid, tallaabadaan waa ka boodi kartaa oo horey ayaa maashka ka qaddimi kartaa.

  14. 10 daqiiqo foornada ku gaduudi.

  15. AMA: Ku rid weel foornada la gelin karo. Farmaajo la xoqay korka uga dar. Haddaad doontid, tallaabadaan waa ka boodi kartaa oo horey ayaa maashka ka qaddimi kartaa.

  16. 10 daqiiqo foornada ku gaduudi.

Sawirro

Faallooyin

16 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Cook in training

    Asalamu aleykum A and L,

    I love the stories and the background information that you post with recipes. This one in particular, was very interesting as it showed me that we are related!. Your grandmother’s name brought back childhood memories and stories that my father used to tell us. My grandfather, as young orphan, was part of families who fled the dervishes under the leadership of your great grandfather and his uncle Egal. I’ll try this recipe as it seems easy and kid friendly.

    1. A&LXawaash

      Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.

      It is great to know that you enjoyed reading the stories along with the recipe. It is important that each one of us gathers our family history before they are lost forever. We hope that you and all the family are doing well.

    1. A&LXawaash

      Yes, we like it too.

  2. nutraaf nutran

    waad ku mahadsantihiin faalada fiican ee aad nasiisan

    1. A&LXawaash

      Adigaa mahadda mudan walaal.

  3. hoodo

    waxan rabaa taloyin badan oo ku sabsan nolosha

    1. A&LXawaash

      Waxa aad na weydiinaysid haddaan aqoon u leenahay waan kaaga jawaabeynaa. Walaalahaa ayaan nahay, waxbana kaama hagraneyno, wax isweydiin na maxuma. Yar iyo weynba talo waan isku leennahay.

  4. safia

    asc wr wb aad Ayad umahadsan tahay walashay qayr ilahay ha ku siiyo. ukhtii waxaan ku waydiinayaa ma isticmali karaa baradho caadi ah jzklq

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Adigana Ilaahay qayr badan ha ku siiyo walaal. Baradhada caadiga ah waa isticmaali kartaa haddaad jeceshahay.

Digaag Qumbe

Yogurt Coconut Chicken

Cuntada rasmiga
ENSOFRع

2 Dallac Bilaash

2 Tomato Sauces

Fiigan (xoolo la’aan)Soos & xawaash
ENSOFRع

Biryaani

Fail-proof Biryani

Cuntada rasmiga
ENSOFRع