
Qudaar La Foorneeyay
- English
- Roasted Vegetables
- Français
- Légumes Rôtis
- العربية
- صينية الخضار بالفرن
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Qudaarta aad ayay caafimaadka ugu fiican tahay, laakiin ma ahan caruurta keligood kuwa neceb inay qudaarta cunaan. Kulligeenna waan jecel nahay reerkeenna inaan siinno cunto caafimaad leh. Waxaa jirta dhoor dariiqadood oo yar iyo weynba loogu siri karo inay qudaarta cunaan. Soo’daanse idinkuma bareyno sir ama qiyaano cusub.
Qudaarta sideedaba aad bay u macaan tahay haddii si fiican loo kariyo. Dadka qaarkood waxaa qudaarta nebcaysiiya sida loo kariyay. Haddii kariska laga badiyo ama haddii dhadhan fiican loo yeelin, labadaba waad ku nici kartaa.
Haddii aad qudaarta ku dubtid foorno aad u kulul, waxaa soo baxaaya macaanka dabiiciga ee qudaarta. Dhadhan iyo caraf haddaad ku sii dartidna, markaas iskama celin kartid macaankeeda, qofna uma baahanaayo in lagu baryo inuu cuno.
Si aad reerkaada u sii jeclaysiisid qudaarta, waxaa isku dartaa dhoor nooc qudaar ah, oo midabbo kala duwan leh. Dhadhanka kaliya ma’ahan, araggana waa inuu ku qanciyo. Marka aad qudaar kala duwan isku dareysid, waxaad ogaataa inay kulligooda isku mar wada bislaanaynin. Sidaas darteed waa inaad qudaarta dubtid marxalado kala duwan.
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Bataato (baradho) yaryar Yaanyo yaryar Bataato macaan, karooto, iyo basbaas halabeenyo (jalapeno) Tuun (toon) iyo roosmeri (rosemary) Basal gaduudan oo yaryar Basal cad oo yaryar Diyaarinta qudaarta Maqaarka nafaqo ayuu leeyahay laakiin dadka qaar ma jecla inay cunaan. Haddii qaar la fiiqo, waxa laga yaabaa inay markaas cunaan.
Karootada fiiq, kaddibna u jarjar gaballo le’eg ½” (1¼ cm).
Basasha yaryar laba gees ka jar.
Basasha fiiq.
Basasha sidaanna waa loo fiiqi karaa (daawo fiidiyaha).
Basbaaska jarjar, mirahana ka saar. Gacmaha galofis (gloves) gasho ama markaad dhammeysid isla markii gacmaha saabbuun ku dhaq.
Roosmeriga caleemihiisa laanta ka gur.
Caleemaha roosmeriga aad u yaryareey.
Bataatada macaan fiiq, kaddibna u jar gaballo ½” (1¼ cm)
Dhadhan u yeelidda iyo dubidda qudaarta Roosmeriga la jarjaray ku dar, in le’eg 1 qaaddo yarna u reeb yaanyada iyo bataatada macaan.
Tuunta (toonta) ku dar. Tuunta maqaarka ha ka fiiqin.
Cusbada ku dar.
Ku dar basbaaska kaayeen (cayenne pepper). Haddaadan basbaas jelayn, waxaa ku dartaa in le’eg far iyo suul. Waxaa ku beddeli kartaa filfil madoow oo shiidan.
Ku dar saliidda oliifada.
Si fiican u walaaq.
Ku rid saxanka foornada, kuna fidi. Ku dub foorno kuleeykeeda yahay 400°F/204°C muddo 30 daqiiqo ah.
Isku dar yaanyada iyo bataatada macaan. Ku dar roosmeriga haray, cusbada, iyo saliidda oliifada. Si fiican u walaaq.
30 daqiiqo ka dib, qudaarta foornada ka bixi, waxaana ku dartaa yaanyada iyo bataatada macaan. Isku walaaq, si fiicanna saxanka foornada ugu wada fidi. Foornada ku celi oo 25 ilaa 30 daqiiqo kale dub. Waxaa ku dubtaa foorno kuleeylkeeda yahay 400°F/204°C.





Faallooyin
34 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
mash,alaah cunto aad ufiican jazakalah
Mahadsanid walaal.
Hi,
Sorry I’m late, I hadn’t noticed this one was posted.
I corrected the ingredients list.
1 livre (450 g) de Pommes de Terre Nouvelles
2 Carottes
5 Echalotes
10 Oignons grelots
6 de Piments Jalapeno (épépinés)
1 cs (15 mL) de romarin frais (haché)
7 Gousses d’Ail entières
3 cs (45 mL) d’Huile d’Olive
¾ cc (3.75 mL)de Sel
¼ cc (1.25 mL)de Piment de Cayenne (moulu)
1 Patate Douce (en dés)
¾ livre de Tomates raisin – ou tomates cerises
Thank you very much again and again. We cannot say it enough. You made Xawaash accessible to so many people who would otherwise not have been able to use it. Stay blessed.
Assalaamu Caleykum. Marka waan ku farxay sida wanaagsan ee aan wax badan uga faa iiday webkiina xawaash.com. Waana ku mahadsantihiin. Waxaan ku noolahay Somalia waxaan jeclahay inaan xaaskayga ka caawiya diyaarinta cuntada weliba si cilmiyaysan. Balse mararka qaar waxaan caqabad kala kulmaa xaga luuqadda. Marka waxaa idinka codsan lahaa inaad qoraalada Af Somali kusoo qortaan.
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Annagana aad ayaan ugu faraxnay inaad ka faa’iidaynaysid Xawaash. Waxaan kaloo ku faraxnay inaad jeceshahay xaaskaaga inaad caawiso. Waxyaabaha aan hadda diyaarino kuli af Soomaali way leeyihiin kuwii horena hadduu Eebbe idmo waan ku dadaalaynaa inaan tarjuno. Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay qoraalkaada iyo xiriiriskaada. Qayr ayaan kuu rajaynaynaa.
S/C walaalaahay xawaash iga gaarsiiya salaan qaali ah.walaalo maalinba maliinta ka danbaysa waad naga sii faraxisaan ,ilaahay waxan idinka baryaayaa sida aad nuga faraxisaan inuu ilaahay idinka farxiyo.walaalayal dishkaan khudaarta la foorneeyey wallee waa mid aad u macaan dhaaman family gayagee waay kaa wada haleen.Horuumar iyo guul aayaad gaadheen. Dhaaman cid kast oo soo gaalisa cunto net ka cid idin beat gaareyn karaysa maa jiirto aniga halkayga ,waayo taani waxay gooni kuu taahay qof walaba ayaa ka faaiidaysan kaarta,xitaa haduu somaali ahayn .khayr badan ayaad shqaysateen ilaahay dhaaman ducaada oo dhaan ha idiin aqabalo,khayr badaan ayaan idiin rajaynayaa.Aad iyo aad ayaan iidin jecelahay halkaa ka sii wada horumarka inshaalah.
Walaal Nimco, waa ku mahadsan tahay salaanta wacan. Waan ku faraxnay inaad jeclaatay Qudaarta adiga iyo reerkaada. Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada aadka u fiican aad inoo soo qortay. Qayr badan oo aan dhammaan ayaan Ilaahay kaaga baryaynaa.
Really nice and tasty… Had this for lunch today, easy to make. thanks.
Waxaan idinka codsanaayaa haaddii ay suurogal tahay inaad soo gelisaan CADARIYAD,. please, waad mahadsan tihiin
Thank for letting us know. God willing, we will post Adriyad in the near future.