
2 Dallac Bilaash
- English
- 2 Tomato Sauces
- Français
- 2 Sauces Tomate
- العربية
- نوعين من صلصة الطماطم
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Dallac Bilaash
Dallac Bilaash Habeysan
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Dallac Bilaash
Diyaarinta dallac bilaashka Basasha ku dallac dab dhexdhexaad ah muddo 3 daqiiqadood, kaddibna ku dar tuunta (toonta) oo dallac daqiiqad kale.
Ku dar yaanyada la jarjaray iyo cusbada, si fiicanna u walaaq.
Dabool oo ku kari dab gaaban muddo 10 daqiiqadood.
Dallac Bilaash Habeysan
Dallac bilaash Dallac bilaash iyo canjeero (laxoox) Diyaarinta dallac bilaashka habeysan Basasha ku dallac dab dhexdhexaad ah muddo 3 daqiiqadood, kaddibna ku dar tuunta (toonta) oo dallac daqiiqad kale.
Ku dar yaanyada la jarjaray, cusbada iyo yaanyo shiishiidka, si fiicanna u walaaq.
Ku dar, karootada, basbaas halabeenyo, barbarooni iyo xawaashka, marwalbana walaaq. Biyaha ku dar kaddibna walaaq.
Dabool oo ku kari dab gaaban muddo 10 daqiiqadood.
Ku dar kabsara caleenta la jarjaray.
Ku dar filfisha madoow, kaddibna walaaq oo dabka ka demi.





Faallooyin
20 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Salaam!!
Mashallah everything looks so great.See you guys soon Inshallah.
VERY NICE AND YUMMY FOOD
mshalllh tnx waxbdanaa ka faidaaay cunadaaan jzaklllh akhwaati
I want the world to experience the beauty of your blog. I’ve nominated you for the, One Lovely Blog Award, details are written on my site. XO
Thank you very much, Margie (coffeegrounded.wordpress.com) for nominating our blog. We really appreciate it and feel very honoured. We also thank you for adding us to your Food Blog Phenomes list. We are astounded!
Assalam alaikum. Amazing and beautiful work, may Arrahman be pleased with all of you ameen. Will it be possible to connect with you via email? If so, may I request your email address? Thank you.
Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
Thank you very much for your prayers. Our email is mail@xawaash.com (mailto:mail@xawaash.com).