Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Shidni
Soos & xawaash

Shidni

English
Somali Chutney
Français
Chutney Somali
العربية
الشتني الصومالي

Waxaa qoray · ·

Fiigan (xoolo la’aan)Cagaaryahan 15 mukawin 12 tallaabo Diyaarin 15 daqiiqoKarin 2 saac 10 daqiiqoWadar 2 saac 25 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Shidniga kama mid ahan cuntooyinka mar walba la cuno. Waxaa badi la cunaa munaasabaadka qaarkood. Waxaa jira dad shidniga u yaqaana Basbaas Alla-bari, iyadoo munaasabaddaas ay tahay waqtiga keliya ay shidniga arkaan. Magaca Basbaas Alla-bari waxaa ka garaneysaa in Soomaalida ay shidniga ku daraan basbaas.

Soo’daan waxaan go’aansannay inaan shidniga basbaaska ka dhaafno. Waxaa jira dad badan oo jecel dhananka shidniga laakiin dhib ku qaba cuntooyinka basbaaska leh. Marka aan martiqaad qabno, waxaan gooni u sameynaa basbaas cagaar. Qof walba intuu doono ayuu ku darsan karaa shidniga.

Waxaa jira dhoor si oo loo sameeyo shidniga. Midka aan Soomaaliya ku naqiinnay waxaa laga sameyn jiray timir iyo raqay ama timir iyo cambe. Soo’daan waxaan isticmaalnay timir, raqay, iyo cambe. Waxaan aragnay in dhadhanka uu sii fiicnaanaayo marka saddexda lagu wada daro.

Saliidda aan isticmaalnay waxay dadka qaarkood ula muuqan kartaa inay aad u badan tahay. Saliidda waxay kugu kaalmaynaysaa inuu shidniga gaduuto. Saliiddaas waxay leedahay faa’iido kale. Waxay dheeraynaysa muddada aad shidniga keydin kartid. Dhoor bilood ayaan qaboojiyaha u dhaafnaa. Haddaad doontid, waxaa ku shuban kartaa bacyo ama weelal yaryar oo aad qeybta barfka gelin kartid. Markaad u baahatid hadba kis ayaa kala soo bixi kartaa.

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Shidni

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Habka loo diyaariyo shidniga
  2. Makiinadda casiirka ku rid basasha, tuunta, barbarooniga cagaaran iyo biyaha. Isku shiid.

  3. Yaanyada ku dar. Si fiican u shiid.

  4. Ku dar timirta, cambaha iyo kabsaro caleenta. Si fiican iskugu shiid.

  5. Digsi 6 litir qaada, saliidda ku shub. Xawaashka ku shub. Dab hoose isticmaal.

  6. Waxyaabaha aad isku shiidday isla markii ku shub ee walaaq. Ku dar yaanya shiishiid iyo cusbo, si fiican u walaaq.

  7. Raqayga ¼ koob biyo kulul ku shub. Walaaq ilaa uu ka qasmo. Yaanyada karaysa ku dar ama raqay soos ah isticmaal.

  8. Dab hoose adoo isticmaalaysa. Kari muddo laba saacadood. Nus saac walbana walaaq.

  9. Ku dar sokorta.

  10. Qalka ku dar si fiican u walaaq. Kari muddo 5 daqiiqo.

  11. Raqay
  12. Diyaarinta raqayga
  13. Cabbir 2 qaaddo weyn (100 g) oo raqay ah.

  14. ¼ koob biyo kulul ku dar.

  15. Si fiican u walaaq.

Sawirro

Faallooyin

61 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Mohamed Hassan

    Thank you so much, wonderful people with wonderful knowledge, I really like all your work and I wish you the best of luck.

    Ilaahay ha idin guuleeyo shaqo fiican ayaad muujiseene. Mahadsanidin.

  2. YUSUF

    ASC WALAALKAY

    WAA KU MAHADSAN TAHAY SIDA AAD DADKA UGU FAA’IIDAYSAY.WAXAAN DHIB IGA HAYSTAA.

    MARKA AAN SAMEEYO SHIDNIGA WAXAAN JECLAHAY INAAN MEEL SHUBTO OO MUDO ISTICMAALO, LAAKIIN NASIIB XUMO ASCUUB KA DIB WAA IS BEDELAYAA.

    MARKA WAXAAN RABAY MAXAAN KU ILAALIYAA SHIDNIGA SI AAN U ISTICMAALO MUDO, WAAYO MAR WALBA MA KARIN KARO.

    wAA MAHADSAN TAHAY

    YUSUF

  3. Hana lula

    masha Allah , thank u very much…, I very much enjoyed eating this Chutney it was really nice and had a great taste can’t describe it in lines but well done guys & keep up the work 🙂

    1. A&LXawaash

      We are happy you liked it. Thank you for letting us know.

  4. umu mumtaaz

    asc wr wbr walalayaal maa ku dhax shiidi garaa bas bas cagaar mise malooga dala galin shukran

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Waa ku shiidi kartaa.

  5. Hibo

    Alla yaa cizak waa wax lagu farxo sida quruxda badan eed cuntadeenna iyo dhaqankeenaba u sharxaysaan, Alle ha idin dhowro hana idin ka abaal mariyo sidaad noo baahi tirtaan.

    1. A&LXawaash

      Mahadsanid walaal. Waan ku faraxnay faallada iyo ducada. Qayr badan oo aan dhammaan ayaan Eebbe kaaga baryaynaa.

2 Dallac Bilaash

2 Tomato Sauces

Fiigan (xoolo la’aan)Soos & xawaash
ENSOFRع

Maraq Ari

Lamb Stew

Cuntada rasmiga
ENSOFRع

Bariis Maraq

Somali Rice Pilaf

Fiigan (xoolo la’aan)Cuntada rasmiga
ENSOFRع