
Burriito Ukun
- English
- Egg Burrito
- Français
- Burrito à l’Oeuf
- العربية
- بوريتو البيض
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Burriito Ukun
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Diyaarinta buriitaha ukunta Baaquli waxaa ku riddaa ukunta, baqduuniska, basasha cagaaran, basbaaska halabeenyaha, xawaashka, iyo cusbada. Si fiican u lab.
Bir dab dhexdhexaad ah saaran ku dallac basasha muddo 1 daqiiqo, kaddibna ku dar boqoshaarka iyo yaanyada. Kari muddo 5 daqiiqo.
Ukunta ku shub, kaddibna farmaajada la xoqay kor uga shub.
Dabool oo dab gaaban ku kari muddo 3 daqiiqadood.
Ukunta saar tortiyo la mariyay soos caana fadhi. Soo’da sooska caana fadhiga waxaad ka dhex heli kartaan soo’da Buriito Hilib.
Buriitaha duub sida sawirka kaaga muuqda ama fidiyaha fiirso.





Faallooyin
12 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
asc wll run ahaantii barnaamijkaan aad wadaan waa mid aad ii xiisa galiyay ani iyo xaaskaykaba marka waxaan ilaahay idinka baryayaa in aduunka cimri dheer iyo caafimaad qab ku joogtaan aakhirana JANADIISA insha Allah.
Aad iyo aad ayaa u mahadsantihiin, adiga iyo xaaskaaga. Qayr ayaan idiin rajaynaynaa.
As salaamu Alaykum,
I just wanted to thank you sooo much for this website! You have helped me with new recipes and made cooking look so easy. May Allah reward you! Jazakhallah Kheyran,
Sagal
Thank you very much, Sagal. We are happy we could help.
maashaa allaah tabaarakarrxmaan gacmihiina allaah niibarakeeyo walaalaaheyga qhaaligoow shukrran calaal waxqabadkiina wanaaga quruxda badan jazaakallaahu kheyrakum
Walaasheenna qaaliga ah, waan ku faraxnay faalladaada. Qayr aan dhammaan ayaan Ilaahay kaaga baryaynaa. Mahadsanid.
asc wll marka hore waad ku mahad santihiin barnamijka add noosoo gud bisaan waxan idin su aali laha mala download sankaraa barnaamijyadan wy iisuurto gali waydee?
Adigaa mahadda mudan walaal. Waa daabacan kartaa. Guji battanka ku yaala mukawinaadka korkooda.
Asalamu alaykum leila and abdullahi
I really enjoyed your recipe it was a wonderful idea . When i looked at your recipe i couldn’t find the first topping you made without frying in oil. it would appreciated if you could post the recipe of the topping and how it is made on your website . I shall make dua to Allah that you and your family are blessed and live long lives. Jazakullah khairn
Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
Thank you very much for your comment and prayers. It is a yogurt sauce and there is a link for it under the ingredients. We used drained low-fat yogurt, salt and olive oil. God bless you.