
Quraac
Ukun iyo Qudaar
- English
- Eggs & Veggies
- Français
- Oeufs et Légumes
- العربية
- weli lama turjumin
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Ukunta jebi, si fiican u garaac.
Basasha saliidda oliifada ku dalac.
Yaanyada la yaryareeyay ku dar. Barbarooniga ku dar.
Isbinaashada ku dar. Baqduuniska ku dar.
Farmaajada jilicsan ku dar (ku qurxi sida masawirka).
Ukunta ku dar. Si fiican u dabool, dab dhexdhexaad ku kari muddo 10 daqiiqo.





Faallooyin
41 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته وبعد اخواني واخواتي الكرام اريدان أسألكن اوأسألكم وجزاكم الله خيرا عناوعن المسلمبنل ما جهلته أثناء هده المطعومات فما isbinaasho farmaajo baqduunis walaal iifaaideeya scm
scm walal iisoo jawaaba adin koo mahadsan
i think your website is the best thing since sliced butter 🙂 thank you…im somali group in london all my life and my mum made all these dishes im now 30 with a family of my own and all this will be part of my own home ishaAllah thanks to you….may Allah reward you.
Thank you so much for your lovely comment. We are happy you found what you like in the website. Enjoy cooking.
walaal idinkoo mahadsan iga soo jawaaba ilaahay ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo.. aaamiiin
salaan kadib walaal khayr helooyinoow waxaan idin weydiiyay baqduunas maxaa laga wadaa ma kamsaro ayaa mise waa wax kale ? waxaa kalooon idin weydiiyay isbaaniyadu waa maxay
Waa ku mahadsan tahay salaanta wacan. Baqduunis wuu ka-duwan yahay kabsarada, wuu ka-caleema weyn yahay, caraftana isku mid ma-ahan. Afka Ingiriiska waxaa loo yaqaanaa “parsley.” Isbinaashada waxaa kaloo loo yaqaanaa koosto ama cagaar. Af-Ingiriiska waa “spinach.” Halkaan guji masawirka ayaad arkaysaa google.ca/search?q=spinach&hl.
waxaan aad iyo aad ugu mahadinayaa walaalahay isku hoolay sidii ay walaalahood wax u bari lahaayeen inkastoo aniga aan ogaaday sanado kadib in websiteka xawaash jiro oo aan ka ogaaday walaashay laylo tvga somaalida maalin dhawayd iyadoo soo bandhigaysay cunto markii ayaan websitekii qortay ilaa maalintii ilaa hada waxaan isku dayaa maalinkasta inaan cuntada aan ka arkaba sameeyo mahad ilaahay bay usugnaatay kadibna walaalaahy A&L mahad wayn ha idinka gaarto ilaahay ha idin barakeeyo aduun iyo aakhiro meel fiican ha idin mariyo gabdho badan oo aan wax aqoon ayaad aqoon usiyaadiseen idinkoo wax khidmad ah ka qaadan waan idinku faanaa inshaa alaah jiro oo joogaa waalidkiina ilaahay ha udanbi dhaafo aduun iyo aakhiraba wanaag ku waara waxaan sidoo kale ka helay ayeeyo ceebla ilaahay iyadana janadii fardowsa ha geeyo waa walaashiin idin jecel oo joogta PUNTLAND
Adigaa mahadda mudan walaal. Aad iyo aad ayaan ugu faraxnay qoraalkaada qiimaha leh. Eebbe ha kaa abaal mariyo, ha na kaa farxiyo. Waxaan kaloo ku faraxnay inaad ka faa’iidaysanaysiin adiga iyo gabdhaha kale. Qayr badan ayaan Ilaahay kaaga baryaynaa. Mahadsanid walaal.