
Doolsho Malmalaaddo
- English
- Crostata
- Français
- Tarte à la confiture
- العربية
- كيك المربى
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Soo’da #1
Soo’da #2
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Soo’da koowaad ee diyaarinta doolsho malmalaaddada Buurada iyo sokorta makiinad ku qas muddo 3 daqiiqo.
Ku dar ukunta, qamiirka (baking powder), faniillada iyo cusbada (haddaad ku dareysid). Qas muddo 1 daqiiqo.
Burka ku dar, kaddibna daqiiqad kale qas.
Cajiinka labo u qaybi: ⅓ iyo ⅔.
Gabalka weyn laba bac dhexdooda geli, kaddibna u fidi wareeg 13″ (33 cm) ah. Qaboojiyaha geli muddo hal saac.
Gabalka yar laba bac dhexdooda geli, kaddibna u fidi wareeg 11″ (28 cm) ah. Qaboojiyaha geli muddo hal saac. Markaad diyaar noqotid inaad isticmaashid, u jar gaballo dhaadheer oo balacooda yahay ⅔ ” (2 cm).
Gablkaweyn bacda hal dhinac ka fiiq, birtana ku geddi. Cajiinka si tartiib ah faraha hoos ugu riix, kaddibna bacda ka wada fiiq.
Malmalaaddada ku shub ee kuwada fidi.
Gabalada dhaadheer ku qurxi, sida aad ka arki kartid sawirka ama fiidiyaha. Ku dub foorno lasii kululeeyay 380°F/193°C muddo 35 daqiiqo.
Waa diyaar in foornada la geliyo Doolsho Malmalaaddo Doolsho Malmalaaddo Doolsho Malmalaaddo Doolsho Malmalaaddo Doolsho Malmalaaddo Doolsho Malmalaaddo Soo’da labaad ee diyaarinta doolsho malmalaaddada Sokorta iyo buurada isku dar, si fiicanna u qas muddo 6 daqiiqadood. Markaas kaddib, ukunta, qamiirka (baking powder) iyo faniillada ku dar. Qas muddo 2 daqiiqo.
Burka iyo looska la shiiday ku dar.
Si fiican u qas.
Cajiinka labo u qaybi: ⅓ iyo ⅔.
Buuro ama saliid mari bir foorno oo cabbirkeeda yahay 11″x14″ (28×35 cm). Gabalka weyn ee cajiinka ku fidi birta.
Malmalaaddada ku shub ee kuwada fidi.
Miiska aad ku shaqeynaysid waxaad ku firdhisaa in yar oo bur ah. Cajiinka yar gabal ka soo gooso.
Gabalka aad soo goosatay ka dhig sida xarig oo kale.
Doolshaha waxaa dusha ka saartaa xargaha cajiinka. Ku dub foorno lasii kululeeyay 380°F/193°C muddo 35 daqiiqo.





Faallooyin
32 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Merci pour la recette .Mais c est quoi jam?
walal aad iyo aad ayaa kuugu hambalyaynayaa sida aad hormarka ula jeceshahay walalahaa somaliyeed,
maxaan ku badeli kara butter hadii aan waayo si aan uu sameeyo cake?
asc walaalaha aad bd u mahadsnthn waad noo faaidayseen, wll waxaa i faaidaysaan buuro ama butter waa maxay fadlan?
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Adigaa mahadda mudan. Buuro waa butter af Ingiriis ama zubdaa af Carabi. Halkaan guji masawirka buurada ayaad arkaysaa /recipes/butter-and-yoghurt-cake/. Mahadsanid.
mashaa alaah waxaas aa kaa macaan ah aniga galabtaa sameystayba oo ku casiriyeeystay cake gaan waa mahad santihiin aal asxaabta sharafta iyo qiimaha leh oo isku soo howlay.
Aad ayaan ugu faraxnay sidaad ugu guulaysatay. Mahadsanid.
Ascm wllo yaal walaal wallahy waad naga farxiseen wax badan ayaad noofaa iidayseen ala haydinka far xiyo aad ayaad no caawiseen dadaalkiinana waa %100 mahad sanidin
Aamiin walaal. Waa ku mahadsan tahay ducada qaaliga ah, waan ku faraxnay. Qayr ayaan kuu rajaynaynaa.