Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Doolsho & Toorto Shukulaato
Doolsho

Doolsho & Toorto Shukulaato

English
Chocolate Cake & Torte
Français
Gâteau au Chocolat & Torte
العربية
كـيـك وتورتة الشوكولاتة

Waxaa qoray · ·

15 mukawin 12 tallaabo Diyaarin 50 daqiiqoKarin 40 daqiiqoWadar 3 saac ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Doolsho & Toorto Shukulaato

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Diyaarinta doolshaha shukulaatada
  2. Birta doolsho cabirkeeda yahay 9½” (24 cm) buuro mari, kaddibna budo kakaaw korka uga rushaay

  3. Sokorta iyo ukunta garaac ilaa ay ka noqdaan xumbo culus.

  4. Buurada aad jilcisay ku dar si fiicanna u garaac. Kaddib, ku dar saliidda, faniilada, bishirka (qolof la xoqay) oranjada, kafeega, iyo caanaha. Si fiican u qas.

  5. Isku shaqshaq burka, budada kakaawga, beekin baawdarka, beekin soodaha, iyo cusbada.

  6. Mukawinaadka qalalan waxaa ku kor shaqshaqdaa mukawinaadka qoyan, kaddibna si fiican isku qas.

  7. Ku dub foorno lasii kululeeyay 350°F/177°C muddo 35 daqiiqo.

  8. Birta doolshaha oo buuro la mariyay, kakaawna korka looga rusheeyay
  9. Mukawinaadka qoyan
  10. Mukawinaadka qalalan
  11. Cajiinka doolshaha
  12. Waa diyaar in la dubo
  13. Doolsho Shukulaato
  14. Doolsho Shukulaato
  15. Doolsho Shukulaato
  16. Diyaarinta toortaha shukulaatada
  17. Markuu doolshahasi fiican u qaboobo, waxaa dhexda uga sartaa middi miinshaar ah, kaddibna middi dheer ku jar meesha aad calaameysay.

  18. Geddi gabalka sare ee doolshaha waxaana ka dhigataa salka toortaha. Waxaa ku qoydaa 3 qaaddo weyn sirab ah (koob biyo iyo koob sokor oo la karkariyay ilaa ay sokorta si fiican u dhalaasho). Markaas kaddib, waxaa doolshaha marisaa kareemo buuro iyo shukulaato (waan soo gelin doonnaa hadduu Eebbe idmo) or mari kareemo cad.

  19. Waxaa ku dari kartaa furuut haddii aad jeclaatid.

  20. Dabaqyada kale ee doolshaha waxaa u sameysaa sida kor ku qoran. Toortahaan waxaan ka sameynay laba doolsho oo midkiiba laba gabal alaga dhigay. Haddaad doontid doolshaha dhinacyadiisa ku sin middi miinshaar ah.

  21. Doolshaha waxaa kor iyo dhinacyada ka marisaa kareemo buuro iyo shukulaato.

  22. Kor uga shub shukulaato ganaash (waan soo gelin doonnaa hadduu Eebbe idmo)

Sawirro

Faallooyin

50 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Naj

    Aslm alkm wb. My daughter just made this and it turned out wonderfully mashaAllah. Just wondering about calories per serving?

    I love this blog!

  2. Madina

    Slm alkm, wrwb. Thank you for this post, i did cook yesterday this cakekforfmy son birthday with one variation. I beat the eggs whites separately made it fomy, added sugar. As for the dry ingredients i mixed all and then added eggs yellows, oil, milk. Then i added the first mixture and mixed with spoon. It becomes quite inflated even before puting in oven, so we enjoyed decorating it afterwards. As for fruits the best would be to put after 2 layer variety of fruits, kiwi, strawberry, orange,pinapple, so all vitamin c fruits. I am going to stick anyway with your recepie for now. Thanks ahain

  3. maryam

    عاشت ايديكم بس بله زحمه الجناش بدون اي اضافات ممكن تكتبولي طريقته

  4. DAGAN

    Asalam Caleykoum,

    Je vous remercie énormément de vos belles recettes. J’ai une question par rapport à ce gâteau. SVP, pourriez vous m’expliquez un peu plus comment vous avez fais la crème au chocolat et ce c’est quoi le nom du fruit jaune que vous avez ajouté.

    Merci encore

  5. tahira amjad

    hello&asalam-o-elakum

    thanks for ur cannel i like it very much ,i want ur choco cake to make it but ther is a confusion. it is in recipe there is sugar granulated writen but when i watch it was not same sugar becase youtube page recipe is writen powdered sugar .i want u to tell is it granulated sugaru took measure it 267 and then make its powder or u took icing sugar .pls make it clear becase i am witing i want to make this recipe when u answer .jazak ALLAH KARE.WASALAM.THANKS

    1. A&LXawaash

      Thank you very much for your comment. We used granulated sugar.

Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Doolsho Cananaas

Pineapple Upside-Down Cake

CagaaryahanDoolsho
ENSOFRع