
Kareemo Buuro & Ganaash
- English
- Chocolate Buttercream & Ganache
- Français
- Crème au Chocolat & Ganache
- العربية
- كريمة الزبدة بالشوكولاتة وجاناش
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Sirab
Kareemo Buuro & Shukulaato
Ganaash Shukulaato
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Diyaarinta kareemada buurada iyo shukulaatada Buurada qabowga ha ka dhaco hana jilicsanaato.
Buurada garaac muddo 5 daqiiqo.
Ku dar sokorta aadka u shiidan. Sokorta waa inay u shiidan tahay sida burka oo kale, waana inaysan lahaanin kuus kuus haba yaraadee. Laba jeer ku kala dar sokorta, muddo 5 daqiiqana garaac.
Kakaawga aan macayn (sokorta lahayn) 5 goor ku kala dar, adigoo mar kakaawga ku dareysa marna caanaha.
Caanaha 4 goor ku kala dar, adigoo mar caanaha ku dareysa marna kakaawga.
Faniilada ku dar, si fiicanna u qas.
Kareemo buuro iyo shukulaato Shukulaato madoow Shukulaato jarjar ama isticmaal shukulaato gaballo ah Diyaarinta ganaashka Isku dar caanaha, sokorta, iyo buurada. Dab dhexdhexaad ku kari adigoo walaaqaysa. Caanaha iyo buurada waxaad ku beddeli kartaa kareemo culus.
Caanaha aad kululaysay shukulaatada ku kor shub. Laba daqiiqadood dhig ha isku dhalaalaan.
Si fiican isku qas ilaa shukulaatada ay ka dhalaasho. Faniilaha ku dar si fiican u qas.





Faallooyin
20 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
walaaal faniila maxaa ladhahaaa anaka Somalia ayn joognaaa waxaas sikale nooogu sheega
Faniila waa carfis macmacaanada lagu daro sida buskudka iyo doolsheyaasha. Af Ingiriisiga waa (vanilla) af Carabina waa روح الفانيليا.
walal do you know how to make a diary food.E.G. cunto lakarenaayo because test ayaa leyga rabaa!!!
if u know plz tell me ok
Waxaa fiirisaa Caano Baraawe ama Farmaajo Ricotta.
woow mansha allah walal aad ayaad u mahadsanatahay runti anega maan ta ayeey egaqabatay in aan usamiiyo marteqaad maraka aan isweeydeyana waxaa ega dhen naatay doohsdee kadebna waxaan fireyay xawaash.com and waxaa ee sobaxay mid wanagsan thanks marlabaad:)
Aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay. Waan ku faraxnay inaad ka faa’iidaysatay.
Maasha allah walaalayaal ajir iyo xasanaad allaha idin siiyo cunta karin dhib badan ayaan ka maray laakiin markay habaryarteey ii sheegtay webside_kiina oo aan booqday xaqiiqdii wax badan ayaan ka faa’iday hada macalin ayaanba noqday waa inaan maalin idinku casuumaa cuntadeyda.
Maasha’Allaah. Waan ku faraxsan nahay inaad macalimad noqotay, casuumaaddana waan aqbalnay. Mahadsanid walaal.
asalaamu caleykum walaalaheyga qhaaligoow dhamaantiin waamahadsantihiin saanoogarabjoogtiin waqtiwalba iyo saacadwalba
walaal waxan idin weydinyaa bur jubnaha sida loosameya
mahadsanadiin bahda xawaash
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Adigaa mahadda mudan walaasheenna qaaliga ah. Aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay. Hadduu Eebbe idmo waan soo gelin doonnaa.