Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Rooti Shinnidhaab
Rooti · Macmacaan

Rooti Shinnidhaab

English
Honeycomb Bread
Français
Pain nid d’abeille
العربية
خلية النحل

Waxaa qoray · ·

Cagaaryahan 14 mukawin 9 tallaabo Diyaarin 35 daqiiqoKarin 30 daqiiqoWadar 2 saac 5 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Rooti Shinnidhaab

Sirab

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Diyaarinta rootiga
  2. Isku dar caanaha qandaca ah, qamiirka, iyo 1 qaaddo yar oo sokor ah. Si fiican u walaaq, kaddibna 10 daqiiqo dhiq si uu qamiirka u kaco.

  3. Baaquli ku shub burka, sokorta, cusbada, beekin baawdarka, iyo buurada la dhalaaliyay. Waxaa ku kor dartaa qamiirka aad qastay.

  4. Isku qas mukawinaadka cajiinka, kaddibna rifaaq muddo 5 daqiiqo ah. Baaquliga maro wax yar qoyan ku dabool. Cajiinka muddo 1 saac ah dhig si uu u fuuro.

  5. Cajiinka jar oo 2 gabal isle’eg ka dhig. Gabal walba waxaa ka dhigtaa si xarig dheer, kaddibna mid walba u qaybi 16 gabal isle’eg.

  6. Gaballada cajiinka faraha ku fidi. Waxaa gabal walba dhexda ka saartaa nus qaaddo yar oo farmaajo kareemo ah. Waxaa kaloo isticmaali kartaa tufaax la kariyay (ama furuutka aad jeceshahay), gabal shukulaato ah, loos la shiiday, timir, sabiib, qumbe sokor leh, iwm…

  7. Cajiinka xashwada (waxa dhexda ku jira) ku duub. Fiirso (daawo) fidiyaha.

  8. Waxaa ku saftaa bir cabbirkeeda yahay 9½ inch (24 cm) oo buuro la mariyay.

  9. Caano korka ka mari si ay u gaduutaan oo midab qurxoon u yeeshaan.

  10. Ku dub foorno lasii kululeeyay 380°F/193°C muddo 20 daqiiqo. Markaad dubtid kaddib, waxaa korka uga shubta sirab laga sameeyay 1 koob sokor, 1 koob biyo, 1/2 qaaddo yar liin dhanaan, oo la isku karkariyay muddo 10 daqiiqo. Haddaad doontid sirabka waa ka dhaafi kartaa oo rootiga sidiisa ayaa u qaddimi kartaa.

Sawirro

Faallooyin

92 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Ilham

    I made this for a gathering and got so many complements, everyone loved it! They were fighting for the last few pieces

  2. Ney

    Hi! Thank you for this recipe! I actually had the same exact measurements for ingredients but I am wondering why my bread turns up so packed. The procedure was just verbally shared over to me. Now I know what I did wrongly. Will surely try this recipe again with the correct procedure! Thanks a lot!

  3. Fran

    Hi A&L, Thank you for sharing your recipes which look wonderful on the videos,tried you honeycomb bread recipe, it did’nt turn out the same as shown in your videa fully and soft it is because I used plain flour coz in you recipe it says all purpose (plain flour) res all was done as shown in your video and recipe. What I made was a bit solid not fluffy, can you please advise what may have gone wrong. looking forward to hearing from you. thanks.

  4. amal

    my sister always makes honeycomb bread its great and i hope in the future to try more of your ingredients

  5. Umu zafsa

    Wllo su aal ban qaba dhexda cajiin iga noqotay naxan ku sameeya

Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Doolsho Cananaas

Pineapple Upside-Down Cake

CagaaryahanDoolsho
ENSOFRع