
Doolshe Buuro
- English
- Pound Cake
- Français
- Quatre-Quarts
- العربية
- باوند كيك
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Doolshe Buuro
Kareemada Doolshaha
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Foornada sii kululeey, ku aaddi 350°F/177°C.
Hal oranjo maqaarka ka hool.
Sokorta baaquliga makiinadda ku shub.
Buurada jilicsan ku dar.
Saliidda ku shub. Surcad sare ku garaac muddo 5 daqiiqo. Dhinacyada ka nadiifi.
Ukunta ku dar.
Diyaarinta doolshaha Beekin bawdarka ku dar.
Cusbada ku dar.
Faniilada ku dar.
Ku dar qolofta oranjada la xoqay.
Surcad sare ku qas muddo 2 daqiiqo.
Burka ku dar. Qas muddo 1 daqiiqo.
Caanaha ku dar, muddo 1 daqiiqana qas.
Hal qaaddo weyn buuro mari bir doolsho dhexda ka duleesha oo cabbirkeeda yahay 10″×4″ (25×4 cm). Cajiinka ku shub.
Ku dub foorno 350°F/176°C muddo 45 daqiiqo. Dhig ha qaboobo muddo 10 daqiiqo intaadan ka bixin birta.





Faallooyin
65 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Salam aleikum!
I just want to Thank u and tell u guys what an incredible nice site you’ve created. I’m really not a good cook and have a limited imagination but that’s all changed since I found your site. What I love about it is except that everything(and I MEAN everything I’ve cooked/baked with the help of recipes) turns out great, all the steps are so detailed and exact. All from the steps to the amount to the time. I live in Sweden so I have to change the measures but everything comes out great. So a BIG thanks from me. A request is if u could add a sugar free cake/dessert. My dad has diabetes and it would be fun if he could have dessert when we have 🙂
Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
Thank you very much for your generous comment. We are very happy that you like the website and found it helpful. God willing, we will post sugar free cake/desserts in the near future. We wish you and your family all the best.
Assalaamu Caleykum walaalayaal,ciid mubaarak,waan sameeyay shaley maasha’Alaah aad buu umacaanaa,sida Soomaalidu kay sameyso ee aan la liqi karayn muuna aheyn aad buu u qoyanaa,aad baadna u mahadsantihiin.
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Adigaa mahadda mudan walaal. Aad iyo aad ayaan ugu faraxnay inaad jeclaatay. Waa ku mahadsan tahay faalada.
asc wr wbk walaal waad mahad santahiin adiga iyo xaaskaaga sida wanaagsan aad noogu soo gudbiseen allah waxa uu idin baray khayr iyo ajar ha idin ka siiyo.
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Adigaa mahadda mudan walaal. Waan ku faraxnay faallada iyo ducada. Qayr ayaan kuu rajaynaynaa. Mahadsanid.
This cake was delicious my friend. I baked it without the orange zest because i didn’t have some yesterday. But it came very great with the margarine.
Jezakellah
We are happy you liked it. Thank you for the feedback.
Asselamu aleykum
I have a lot of margarine in my refregirator so can I substitute the butter.
Wa’alaikum As-salam Warahmatullahi Wabarakatuh.
Yes, you can substitute margarine for butter. Make sure it is a baking or cooking margarine and not a spread.