
Bun & Toor
- English
- Bun & Toor
- Français
- Grains de café entiers frits
- العربية
- بن وخلطة العَمْبُولُو
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Bun
Toor
Daango
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Bunka oo qoloftiisa leh; Bun jamra ah; Qolofta bunka Diyaarinta bunka Bunka dhaq. Biyaha markay soo karaan, bunka ku rid. Muddo 1 daqiiqo ah karkari.
Biyaha ka miir, kaddibna qalaji.
Bunka waxaa ku dubtaa saliid kulul muddo 35 ilaa 40 daqiiqo, waxaana isticmaashaa dab dhexdhexaad ah. Haddaad rabtid, waxaa ku dari kartaa buuro la gaduudiyay ama subag intaadan dabka ka dejin.
Kur ama kurbin Kur ama kurbin Bun Sharuur Galleey cad Biyo la dhigidda galleeyda Galleeyda hal habeen biyo la dhig.
Ama isticmaal qasidda dhaqsada ah. Galleeyda biyo ku kari muddo 5 daqiiqo. Dabool ha qasnaato muddo 1 saac.
Biyaha ka miir, kaddibna biyo raaci.
Diyaarinta daangada Galleeyda digsi ku rid, biyahana ku shub
Markay soo karto, kari muddo 45 daqiiqo.
Biyaha ka miir.
Xaanshida jikada ama xaarin ku war si ay si fiican u qallasho.
Ku shiil saliid kulul muddo 45 daqiiqo. Waxaad isticmaashaa dab dhexdhexaad ah.
Saliidda ka miir.
Diyaarinta toorka Daangada toor: ku dar sabiibka, looska, nannaca iyo sokorta.
1/4 koob sharuur ku dar (markay saliidda qaboowdo) ama saliidda aad jeceshahay. Si fiican u qas.
Nannac korka uga qurxi.





Faallooyin
24 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
lovely..!!
Thank you!
asc marka hore wan idin mahad celinayaa in badan salan kadib walal waxan idin weydinaa corn nutka wan waayay dadka qaarna waxay i yiraah deen ganleyda daangada waaye corn nut ka ee bal i saxa, maxana ku badali karaa hadii aan waayay corn nutka plz toor ka na almondka ma ka deyn karaa . tan kale bunkii caadiga ahaa o somaliya ayaan hayaa ee i tilmaam sidan u sameyn lahaa coz waa markii igu horaysay o bun sameeyo kkkk. thanks again
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Adigaa mahadda mudan walaal. Waa run galleey daango ayaa loo yaqaanaa. Haddaad fiirisid meesha af Soomaaliga galleey cad ayaa ku qoran. Galleey walba oo waaweyn waa isticmaali kartaa. Waxaa muhiim ah si fiican inaad u karisid ilaa ay ka bislaato kaddibna si fiican u shiishid ilaa ay ka qababacleyso. Almondka waa ka dhaafi kartaa haddaadan jeclayn ama looska aad jeceshahay ayaa ku beddeli kartaa. Bunka aan isticmaalnay waa midka Soomaaliya. Sida aan u samaynay raac hadduu Ilaahay yiraahdo waa kuu hagaagi doonnaaa.
waaaaaaaaaaaaaw dad isku howlay inee ka faaiideeysano cuntada karin oo noo sameeyay webset aad u mahadsantihiiin xaqiiqada aad ugu helay waxbadane waa ka faaiideeystay mmmmmm qaaabka usoo duubteeyna aad ayeey u quruxbadantahay
Waa ku mahadsan tahay faallada fiican walaal. Waan ku faraxnay inaad ka heshay. Qayr ayaan kuu rajaynaynaa.
Asc walaalayaal salaan aad uqiimo Badan ayan hawada idiin soo Marin aniga iyo familkeyga oo dhan aad aad nooga farxisen markad alabtan noo soo galiseen wadNkii aad dibnoogu celiseen oo xusuus baad nagaliseen ee ilaahay haidin barakeeyo walaalo jiro ayaad tihiin waxana idin weydiin sidan bunka qolofka oga fiiqi lahaa hadaan bun is haysta helo wadna mahadsantihiin
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Waa ku mahadsantihiin salaanta qaaliga ah adiga iyo reerkaada. Waan ku faraxnay inaad jeclaateen soo’da Bun iyo Toor. Qolofta kore tartiib uga fiiq ama mid fiiqan ayaad gadan kartaa.
Asc marka ugu horeyeso waxaan hawada idiin soo marinaya salaan qaali ah marka labaad waxaan rajeyenaya marka uu wadanka nabad aad noqodo waxaa leyedin sinaya taash waayo waxaad soo banadhigataan cunto waliba oo aan hido iyo dhaqan u leenahay wana idinku faana xita dad ayaa yiraahdo cuntada somalida kuwaalati ma lahaan waxana tusaana xawaash markaas ayey la yaabaan marka abaalkaas idinkaa iskale ilaah ha idiin abaal guudo aduun iyo aaqiro anagana waan idiin ogsonahay
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Walaal waa ku mahadsan tahay salaanta qaaliga ah oo qiimaha badan. Farxaddiinna, xiriisikiinna iyo faallooyinkiinna ayaa nagu filan. Waan ku faraxnay hadalada qiiraha leh aad inoo soo qortay. Mahadsanid walaal.