Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Malawax
Rooti · Quraac

Malawax

English
Somali Malawah
Français
Malawah
العربية
الملوًّح الصومالي

Waxaa qoray · ·

Fiigan (xoolo la’aan)Cagaaryahan 13 mukawin 15 tallaabo Diyaarin 10 daqiiqoKarin 40 daqiiqoWadar 1 saac 15 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Malawax caadi ah

Malawax Nafaqaysan

Sooska qumabaha

Sooska oranjada

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Waxyaabaha malawaxa laga sameynaayo ku-wada rid makiinadda.

  2. Hal daqiiqo qas.

  3. Nus saac dhig (haddii kale malawaxa wuu adkaanaayaa oo margi oo kale ayuu noqonaayaa).

  4. Si aad u-heshid 15 malawax, waxaa birta ku-shubtaa ⅓ koob oo cajiin ah. Waxaan isticmaalnay bir cabbirkeeda yahay 10 inch (25.4 cm).

  5. Birta wareeji si uu cajiinka birta ugu wada fido.

  6. Dab dhexdhexaad ah, 2 daqiiqo ku-dub. Haddii malawaxaada uu culus yahay, waqti dheeraad ah dub.

  7. Waxaa marisaa 1 qy (qaaddo yar) oo caano qumbe ah. Qumbaha waa inuu yahay nooc fiican.

  8. Sokor ku-shub.

  9. Isku duub.

  10. Dhalaali 2 QW (qaaddo weyn) buuro ah.

  11. Ku-dar ½ koob malmalaaddo oranjo. Malmalaaddada waa inay tahay nooc laga sameeyay qolofta oranjada.

  12. Ku-dar 1 koob casiir oranjo.

  13. Ku-dar 1 QW (qaaddo weyn) liin dhanaan. Siddeed daqiiqo dab sare ku-kari.

  14. Ku-rid malawaxa oo ku-dhex kari ilaa uu sooska ka culusaado.

  15. Malawaxa geddi marka aad sooska ku-dhex karinaysid.

Sawirro

Faallooyin

50 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Nadia

    Salams! This was an amazing couple of recipes for Malwaax! My 21 year old self was frantically looking for a recipe so I can surprise my mom for breakfast and I can never seem to remember the measurements without always asking hoyoo! Life saver post! I love your website, I’m in the process of learning about our beautiful culture and it really is showing here! Wil definitely favorite your website for future recipe needs 🙂 may Allah swt put barakah in your work and reward your efforts!

    1. A&LXawaash

      Thank you very much for your amazing comment and God bless you for surprising your mom. We wish all the best.

  2. rasha

    OMG that was fantastic am gona try it 2morrow,bt wat if u cant get coc milk and marmalade and also toasted nuts wat ami gona do?pliz help

    1. A&LXawaash

      Thank you for your comment. You can use butter instead of the coconut milk, and for the marmalade use any type of jam you like. The nuts are not a must, you can do without them.

  3. ملاك محمد

    ماشاء الله ، كلمة إبداع قليله بحقكم ،

    آخر طريقة آول مره اشوفها ^^ يا ترى كيف طعمها ،

    1. A&LXawaash

      نشكرك جزيل الشكر وجزااك الله عنى خيرا، آخر وصفة لذيذة جدا نرجوا ان تجربيها

  4. fattma

    assc wa raxmatullahi wa barakaatu, waad ku mahdsantihiin sida qurxuda leh ee aad usoo bandhigteen cunnadaan , oo aad u qiimeyseen .waxaa keliya iga maqnaadey muufo marko. grazie.

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Adigaa mahadda mudan walaal. Waan ku faraxnay inaad jeclaatay malawaxa. Muufo Baraawe mar hore ayaan soo gelinay, hadduu Eebbe idmo noocyo kalena waan soo gelin doonnaa. Mahadsanid.

  5. roda

    asc walaalaayal run ahaantii aad iyo aad baad umahadsantihiin waxaan ilaahay idiin ka baryayaa inuu xoogiina iyo cimri giina iyo cibaadadiina iyo camalkiina ba idiin barakeeyo dadaal kiinana uu idinla garab galo ilaahay haydin barakeeyo walaalayaal runtii waxaad muu jiseen dadaal aad ubadan oo aan lasoo koobikarin ilaahayna haydin ku garab galo idinka iyo intii adikala qayb qaadatayba alaah haydin xafido amiin amiin wsc .

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Walaasheenna qaaliga ah Roda, aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada iyo ducada qiimaha badan leh. Aad iyo aad ayaad nooga faraxisay. Dadaal intaas ka badan ayaad u qalantaan. Mahadsanid walaal.

Bur Shubaal

Somali Pancakes

CagaaryahanQuraac
ENSOFRع