Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Rooti Jilicsan
Rooti · Quraac

Rooti Jilicsan

English
Bread Rolls
Français
Petits Pains
العربية
خبز رولز

Waxaa qoray · ·

Fiigan (xoolo la’aan)Cagaaryahan 27 mukawin 18 tallaabo Diyaarin 30 daqiiqoKarin 25 daqiiqoWadar 3 saac 45 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Qurxiska

Qurxiska

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Waxyaabaha uu ka-kooban yahay rootiga caadiga ah
  2. Diyaarinta rootiga caadiga ah
  3. Qamiirka diyaari. Isku-dar ½ koob biyo, 1 QW sokor iyo qamiirka. Dhig muddo 10 daqiiqo ilaa uu ka-xumbeeyo qamiirka. Qamiirka degdegga ah uma baahna diyaarin, laakiin waxaa sidaan ku-ogaan kartaa inuu qamiirka weli fiican yahay iyo in kale.

  4. Waxyaabaha kale oo dhan ku-kordar qamiirka xumbeeyay.

  5. Si-fiican makiinadda ku-qas muddo 7 ilaa 8 daqiiqo ama gacan ku-rifaaq muddo 10 ilaa 12 daqiiqo.

  6. Cajiinka dhex-dhig baaquli saliid la-mariyay. Dabool oo ha-fuuro muddo 1½ saacadood.

  7. Cajiinka gacan ku-fidi. Laba gabal u-qaybi. Hal gabal saddex u-qaybi, gabalka kalena labo u-qaybi. Midka aad saddex u-qaybisay, mid walba labo u-sii qaybi. Ka-dhig lix xabbo rooti kuuskuusan. Saxan saliid la-mariyay saar.

  8. Gaballada waaweyn midkiiba saddex gabal u-qaybi.

  9. Gacanta ku-fidi oo ka-dhig gabal dhererkiisa yahay 12-inch (30 cm) ka-dhig.

  10. Fiirso sawirka hoos ama ka-daawo fiidiyaha sida loo tidco.

  11. Dabool mar kale oo ha-fuuro muddo 1 saac iyo rubi. Waxaa marisaa saliid, ama caano ama ukun. Haddaad rabtid, ku-qurxi sisin ama xabba soowdo. Ku-dub foorno kulaylkeeda yahay 370°F/188°C, muddo 20 ilaa 25 daqiiqo.

  12. Sida loo tidco rootiga
  13. Cajiinka oo fuuray
  14. Waxyaabaha uu ka-kooban yahay rootiga nafaqada lagu daray
  15. Diyaarinta rootiga nafaqada lagu daray
  16. Qamiirka diyaari. Isku-dar ½ koob biyo, 1 QW sokor iyo qamiirka. Dhig muddo 10 daqiiqo ilaa uu ka-xumbeeyo qamiirka. Qamiirka degdegga ah uma baahna diyaarin, laakiin waxaa sidaan ku-ogaan kartaa inuu qamiirka weli fiican yahay iyo in kale.

  17. Waxyaabaha kale oo dhan ku-kordar qamiirka xumbeeyay.

  18. Si-fiican makiinadda ku-qas muddo 7 ilaa 8 daqiiqo ama gacan ku-rifaaq muddo 10 ilaa 12 daqiiqo.

  19. Cajiinka dhex-dhig baaquli saliid la-mariyay. Dabool oo ha-fuuro muddo 1½ saacadood.

  20. Cajiinka gacan ku-fidi. U-qaybi lix gabal is-le’eg.

  21. Mid walba kuuskuus.

  22. Saxan saliid la-mariyay saar. Dabool oo mar labaad ha-fuuro.

  23. Waxaa marisaa caano ama ukun.

  24. Haddaad rabtid, ku-qurxi sisin ama xabba soowdo. Ku-dub foorno kulaylkeeda yahay 370°F/188°C, muddo 20 ilaa 25 daqiiqo.

Sawirro

Faallooyin

97 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Khiyaban

    These bread rolls r looking delicious. I want to know,should they hard or soft after baking? I tried your faatayer recipe,that was awsome.

  2. Nasra

    Asw. May Allah bless you in your efforts in this. I was wondering if I could use salted butter in this recipe and is I could increase the eggs to two small eggs instead of 1 large egg. Thx Jzk Khair

  3. sabah

    salaamu calaykum walaal jazakumulaahu khayran. illahay ha idin barakeeyo. waxa tihiin dad aad u wanagsan waxas oo dhan somali ayad free uga dhigteen oo howshas ugu jirtan, ilahay ha idinka abal mariyo.

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Mahadsanid walaasheenna qaaliga ah. Aad iyo aad ayaan ugu faraxnay faalladaada.

  4. Nieves

    Wow I love this bread, look fantastic and delicious

    Thanks for share it

    Hugs from Spain 😉

    1. A&LXawaash

      Thank you very much for your nice comment. We are happy you like the recipe.

Malawax

Somali Malawah

Fiigan (xoolo la’aan)Rooti
ENSOFRع